crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Feeryahanka Muslimka ah Maxamed Cali Kalaay oo u jawaabay Donald Trump | HimiloNetwork

Feeryahanka Muslimka ah Maxamed Cali Kalaay oo u jawaabay Donald Trump

Muqdisho (Himilonews) – Feeryahanka howla-gabka noqday ee Muslimka ah Maxamed Cali Kalaay ayaa u jawaabay musharaxa xilka madaxtinimada Maraykanka ee Xisbiga Republican-ka Donald Trump–kaas oo yiri Muslimiinta waa in laga mamnuuco inay soo galaan USA.
Kalaay oo bartiisa kulanka bulshada ee Twitter fariin soo dhigay ayaa ku yiri: “Waxaan ahay Muslim. Diinteennuna waxay si cad uga hor imaanaysa xasuuq–Paris iyo USA. Majirto sabab diinteenna noogula sooco. Waxaynu nahay dad ku dhisan nabad iyo naxariis
Kalaay ayaa hadalka Trump ku sheegay takoor kala geynaya midnimada dadka–isaga oo ugu baaqay siyaasiyiintu inay faham muuqda bulshada uga sheegaan mad-madowga ay ka qabaan Islaamka. 
Xisbiga Republican-ka ayaa difaacay oraahda Trump iyaga oo ku tilmaamay mid ka dhan ah kuwo xun xun ee Muslimiinta ah. Balse waxay mamnuucistiisa ku sheegeen mid aan suura-gal aheyn. 
Trump ayaa ku hal-adag hadalkiisa isaga oo qaba in kuwo Muslimiin saaxiibadiisa ah ay fikirkaas ku ayidsan yihiin. 
Si kastaba, waxaa marba marka kasii danbeysa soo kordhaya dhalleeceymaha loo jeedinayo Trump oo ku aadan falka oraah-naceyb ee uu ku hadaaqay. UK ayaa kamid ah dalalka kasoo horjeestay hadalkiisa iyaga oo sheegay in kuwo hadal-naceybka adeegsada aan laga oggoleyn inay soo galaan Britain. 
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!