Farrimaha Jaceylka

Muqdisho (Himilonews) –
  • Mir kaliya noloshaada dhexdeeda, waxaan si dhab ah u rumaysanahay inaad helayso qof dunidaada si guud is-badal ugu sameeya. Waxaad u sheegtaa walxo aadan naf kale waligaa la wadaagin. Way dhuuxaan wax waloo tiraahdo iyagoo dhabtii raba inay wax badan kaa maqlaan. Waxaad wadaagtaan yididiilooyin aayatiin leh; dhadhabyo aan waligood dhab noqoneyn—yool aan waligiis laga lib keenin.
  • Si walba oon isku indha-tirana waxaa run ah in aadan marnaba, xusuustayda ka go’ayn. Waxaa tahay qof qaali ah oo aan laheli Karin.
  • Waxaa tahay doog iyo xareed indhuhu ay weheshadaan. Maxaa u mariwaayey silicaan iyo dar xumadaan adiga dartaa, haa adiga dartaa! Maxaayeelay, waxaa hubanti ah inaadan ahayn qof si fudud lagu helo.
  • Waxaa soo helay dhib iyo diihaal intii aan noloshaada ugu jiray halgankii aan kaga mid noqon lahaa qeyb kamida jirkaada, riyadaada iyo mustaqbalkaada.
  • Sikasta oon u dareemo daal iyo diif, waxaan soo xusuustaa wajigaadii qurxoonaa, markaas ayaan hilmaamaa wixii I hayey oo daal ah.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!