crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qeybtii 2aad: Wax Ka Baro Dhurwaaga “Waraabaha” | HimiloNetwork

Qeybtii 2aad: Wax Ka Baro Dhurwaaga “Waraabaha”

Muqdisho (Himilonews) – Dhurwaagu, siiba kan dhibcoolaha, wuxuu caan ku yahay cunista in kabadan 95% neefka ay dishaan iyo dhiirrinimada ay uga bursan karaan Haramcadka iyo Goosha dilanka ay cunayaan waloow lagu sunto inay yihiin gaatanto si fuleynimo ah ku ugaarata.
Dhurwaagu habeenkii ayuu gabraartaa. Taas oo ka dhigan inuu guureeyo. Kolkolna subaxdii ayuu jabaqda ku hororaa. Marka inyar laga reebo Waraabe-dhibcoole, Dhurwaagu waa Kaligii-soolane. Hayeeshe, laga yaabo inay qoys ahaan kolkol isku biirsadaan kuna kulmaan dilanka ay feylihiisa wiiqayaan. Dhurwaagu waa argagixiye jiir-nax la’aanta looga dhigay shakaal. Waxaana lala xiriiriyaa Faalka “Sixirka” waayo xubno gibilkiisa kamida ayaa laga dhanbalaa dawo dhaqameed lagu furdaamiyo sixirka.
Lamid ma ahan Bahda Dinnadda oo qaarkood markaliya dhala, Dhurwaagu xilli is-xiga ayuu iska daba dhalaa. Dhashiisana waxay ifka usoo baxdaa iyadoo dhamays ah; leh indha-furan, miciyo iyo gowso. Dhashu la muuq ma ahan Waalidkooda bilowga hore ee noloshooda.
Halku-dhigyadii laga qabtay Waraabaha/ Dhurwaaga;
  • Wareebe ama leg haay; ama laan haay/ Waraabe ama geed haay; ama gibil haay.
  • Waraabe wax-qaad bartay; ka ridashadu waa ku ceeb.
  • Dhurwaa dhoomo laguma rarto!
  • Xoolo haween Dhurwaabaa ka deyriyay!
  • Waraabe ayaa yiri; caayna wax iga tari waysay—orodna laygu gaari waa’!
  • Waraabaa lagu yiri; fool xumidaa—suu yiri; walaalkay Weer ma aragteen?!
  • Waraabe sidig ma noqdo!
  • Waraabaa lagu yiri: Halkeed wax ku leedahay?–suu yiri; dhankii lay eryado!
  • Waraabe hilib laguma rarto!
  • Ban Waraabe iyo gala baqataba baraa la helaa.
Xigasho–Buugga Duurjoogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan “Hiraal”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!