NAIROBI, KENYA - DECEMBER 13: Spotted Hyenas walk through grassland on Dec 13, 2007 in the Masai Mara Game Reserve, Kenya. (Photo by Dan Kitwood/Getty Images)

Wax Ka Baro Weerka/Dhidarka

Muqdisho (Himilonews) – Bahal dugaagga kamid ah oo dhurwaaga u eg~ Dhidar. Kasokow inuu yahay laayaan xoolaha dila, hadana baxaalli aan fiicnayn oo dhanka gabraarsiga ah ayuu ku sifoobay.
Tiro ari oo kob ku sugan hadduu kusoo baxo, midna nolol kuma daayo. Intuu luqunta iyo araxda jebiyo kulligood; waa inta uu orod ku gaaro une, ayuu kii ugu horreeyey ee uu dishay cunaa—deedna iskaga hayaamaa. Taas oo mar lagu sifeeyo giiryaalnimo marna gunnimo.
Wuu kaalaystaa; isagoo kah-kahleynayo kuna hadlaya cod sida ilmaha oo kale ah ayuu xoolaha ka dheereystaa arijirta si uu beylah ugu cuno.
Waxaa jira xaqiiqooyin si guud looga hayo Waraabaha iyo Weerka kuwaas oo sheega in: 
–Nolosha ilmahooda ay adag tahay. 
–Midda dhedig ee Waraabaha iyo Weerka ayaa doorka ugu weyn iska leh. 
–Waxay dilan karaan cagabuuryada Libaaxa. 
–Tooda dhedig waxay leedahay xubinta taranka ee Labkooda. 
Halku-dhigyadii laga qabtay Weerka;
  • Weer baa lagu yiri; fool xumidaa—suu yiri; walaashay Dawaco ee iga yar miyeydan arag?!
  • War waayeel hadii la yeelayo, Weer/ Waraabe ri’ ma cuneen!
    Xigasho–Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan “Hiraal”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!