Muqdisho (Himilonews) – Bahal jaadad badan oo dugaagga dibad-joogta ah kamid ah; waxay u egtahay Eyga. Waxay cuntaa hilibka. Dhogor badan iyo dabo hunbulan ayay leedahay. Waxaa loo heystaa ama la sheegaa inay dhagar badan tahay.Â
Labka waxaa lagu magacaabaa Dawac; halka tan dhedigta ahna la yiraahdo Dacawo ama Dayo. Golli iyo Gollacas waa jaadyo kamid ah Dawacada.Â
Sidka Dawacada waxaa loo shintiriyaa (52-53) maalmood. Dawacadu waxay badanaa dhashaa (4-5) dhal mar kaliya. Dhashuna way kala muuq iyo mug duwanaaan karaan–iyada oo loo eegayo deegaanka iyo namuunka unug-dhamays “Species” ee uu ka tirsan yahay. Meelaha qaarkood, sida Dawacada ku nool dhulka barafka leh–udubka koofureed, waxay mar qura dhali kartaa 11-dhal. Wuxuuna cimrigeedu gaaraa (1–3) sanadood–waloow qaar la arko inay cimriyaan ku dhawaad 10-sano.Â
Waxay isku raacaan horin horin -qoys ahaan u dhisan.Â
Dawacadu waxay leedahay 42-ilkood halka namuun kamid ah isla Dawacada-balse ku nool deegaano kala duwan-ay leeyihiin 48-ilkood.Â
Hal-ku-dhigyadii laga yiri Dawacada waxaa kamid ah:
-
Dawacooy ayamaa qeybinta ku baray?!–kolkaasay tiri; isha Weer ka lulata!
-
Dawacooy adna biyo webi kaa shiran.Â
-
Aar qoyay Dawaco lamoood.
-
Dawaco duulduul badatay af Libaax bay dalaq tiraah.