crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wax Ka Baro Yeeyga ama Uubatada | HimiloNetwork

Wax Ka Baro Yeeyga ama Uubatada

Muqdisho (Himilonews) – Bahal dugaagga kamid ah oo Eyga u eg: arigana aad u laaya. Wuxuu waxoogaa ka yar yahay Dhurwaaga~ Uubato ama Uuleey. 
Yeygu baqtiga macuno. Dugaagta kale, sida Libaaxana, kuma dhaco inuu la dhiraandhirsado–gaar ahaan kolkay wadarta yihiin. Wuu aragti dheer yahay. 
Sida la tilmaamo, baxaallo aan fiicneyn ayuu neefka ku dishaa. Isaga oo sara-jooga ayuu leefsadaa deedna isaga oo laf ah isaga tagaa dilanka. Waxaa loo heystaa inuu leeyahay awood ku guda-qarsan oo Eebe ku galladay taas oo argagax galisa dugaagta, duunyada iyo dadka. 
Labka waxaa la yiraahdaa Halyey: halka tan dhedigta ahna lagu magacaabo Hanfis/Uubato ama Uuleey. 
Waa noolaha ugu weyn ee xubinta qoyskiisa. Culeyskiisu waa–labka oo ah (43–45) kg iyo dhegigta oo ah 36-38.5)kg. Wuxuu ku dhaqan yahay Afrikada hodanka ah, waqooyiga Yurub iyo waqooyiga Ameerika. 
Wuxuu xawaareyn karaa fogaan u dhaxeysa (50-60) kilomitir saacadiiba. Wuxuuna is-raadguri karaa in-ku-dhow 20-daqiiqo. Wuxuu boodi karaa shan mitir oo toos ah tallaabsi kaliya. 
Waa soohdinle. Wuxuu aalaaba seereystaa in ka badan inta uu rabo si uu u helo ugaar ku filan. Wuxuu xeyn-daabtaa 35km oo wareeg ah. Yeeygii ugu soohdimo yaraa abid waxaa lagu arkay Maraykanka kadib markii lix Yeey ay xeyn-daabteen 33km oo wareeg ah. Halka xeyn-daabkii ugu weynaa ee Yeeygu abid weegaartana uu ahaa 6272 km oo wareeg ah. 
Yeeygii ugu culeyska badnaa oo aheyd 79.4kg waxaa lagu arkay qaaradda Ameerika. Waxaana lagu dilay webiga 70-mile ee bariga Alaska 12-June 1939. Halka kii ugu cuslaa qaaradda Yurub uu noqday 86-kg. Waxaana la dilay kadib dagaalkii labaad. 
Wuxuu leeyahay kartida uu dilanka uga bursan karo dugaagta kale. In-kasta oo tani ay dhif tahay, waayo Yeeygu seere lala wadaago majiro. Balse dhacdo ahaan, raxan Waraabe ah way eryan karaan Yeeyga. Yeeyga geddiisu wuxuu eryan karaa Haramacadka, Weerka, dugaagta kale iyo xittaa Lo’Kisiga oo uu wax ka damco. 
Sidka Yeeyga waxaa loo shintiriyaa (62-75) maalmood iyada oo dhashiisa badi la dhalo xilliyada xagaaga. Wuxuu dhali karaa (5-6) dhal mar kaliya. Sanad kasta waa uu awoodaa inuu dhalo.
Filka cimrigiisu wuxu gaaraa inta u dhaxeysa (10–14) sanadood. Walow intaas kayarna lasoo tebiyo: halka wax ka badan 20-sano la arko inay gaaraan. Tanina waxay ku dhalan karaa ku kala duwanaanta deegaan iyo jaadadka ay u kala baxaan. 
Dilan–waa prey waxa afka qalaad lagu yiraahdo. Taas oo ah neefka ay dishaan dugaagta. 
Sid–waa inta uurka lagu sido ilmaha; ama shin–shintirin.
Xigasho–Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan Muhumed “Hiraal.”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!