Wax ka baro Nolosha Cawsha iyo la yaabkeeda
Posted by: Zakariya
in Deegaankeenna
December 17, 2015
4,740 Views
Muqdisho (Himilonews) – Ugaarta waaweyn jaad kamid ah. Waxay leedahay midab-casiin-ka-warqab ah oo uurka iyo barida ka cad–dalliigo madmadow oo wajiga bartankiisa ku dhilan iyo geeso marka hore dib u rogan oo kolka labaad horay usoo rogmada.
Cawlka lab waxaa la yiraahdaa Jaxeedh. Cawlka dhedigta ahna waxaa lagu magacaabaa Masaal.
Cawshu waxay ku dhaqantaa banaanka, iyada oo mar la dhasha ariga. Cawsha wada socta ee meel wada daaqaysa waxaa loo yaqaan Goosin-Cawl ah.
Cawlku wuu saaraa labka kale. Wuu sahmiyaa. Waanu hayaamiyaa Cawsha. Waxaynu maqalnaa iyada oo la leeyahay cawlku (Jaxeedhku) markuu saaran yahay Masaasha wuu xidigiyaa.
Hal-xiraale?!
Cawshiyo Biciidkaa arlada cararayee jooga,
In-kasta oo ciriid iyo kuleyl lagu cisaareeyo,
Calooshooda oon lama-galshee waa cajabe sheega?!
Rag cadaalad waayay, sidii Cawsha kala yaac
Xigasho–Buugga duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan “Hiraal.”
F.G: Warbxinada ku saabsan ugaarta ee laga soo xiganayo buugga Duur-joogteenna waxaa xaq-dhowrkooda asal ahaan u leh mareegta Dharaaro.com, sanadkii 2013–halkaas oo uu ku qoray al-Ustaad Boobe Yuusuf Ducaale. Isaguna, sida uu sheegay wuxuu xaq-dhowrkooda u tiiriyay Abwaan Xabad Ibraahim AUN.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-17
You must log in to post a comment.