MUQDISHO (HN) — Caruuskii gabadha loo guurin lahaa ayaan imaan xafladda. Sidaas darteed, waxaa booskiisa buuxiyay aabbihiis oo beddelkii uu gabadha aroosadda u noqon lahaa soddog hadda noqday seygeeda.
Sababta sidaas loo sameeyey waxaa lagu sheegay si looga hortago in qarashkii badnaa ee arooska lagu dhigay uu meel cidlo ah isaga baxay! Laakiin waxay niyadjab iyo ceeb ku noqotay gabadha aroosadda ah oo qofkii ay aabbe ahaan u xisaabsaneysay daqiiqado kooban ku noqday seygeeda xalaasha.
Dhacdada ayaa kasoo bidhaantay xaafadda Jikotamo ee degmada South Halmahera, waxaana gabadha aroosadda iyo inankii guursan lahaaba uu ka dhaxeeyey xiriir jaceyl. Si kastaba, maalintii arooska, ninkii ayaa iska baxay sabab la’aan isaga oo cidna wax u sheegin. Tani waxay walwal xagga dhaqaalaha ku beertay waalidiinta labada caruus maadaama lacag badan ay ku bixiyeen sidii loo dhisi lahaa guriga cusub.
In yar kaddib waxaa taladu ku biyo-shubatay in aabbaha inanka uu booskaas buuxiyo oo uu guursado gabadha. Adduun dhan 25 million rupiah ($1,700) ayaa uga baxay reerka caruuska qarashka guurka. Waxayna ka cabsi qabeen inay gabar iyo lacagba waayaan. Sidaas ayuu aabbaha ku guursaday inanta.
You must log in to post a comment.