crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Marka dhaqanku geeri u horseedo nolosha qofkiisa – aqriso qiso gaaban. | HimiloNetwork

Marka dhaqanku geeri u horseedo nolosha qofkiisa – aqriso qiso gaaban.

Kathmandu (Himilonews) – Gashaanti 15-jir ah oo ku nool dalka Nepal ayaa geeriyootay kadib markii waalidkeedu ku qasbeen inay gaar u jiifsato aqal Hoori – halkaas oo oksijiin yari awgeed ay naftu uga baxday. Waxa ugu weyn ee gabadhani loogu qasbay inay meel gaar ah seexato ayaa ah iyada oo qabtay dhiigga dumarka bishii kol ku dhaca ee loo yaqaan Caado.
Marka loo eego booliska dalka Nepal, 15 jirta lagu magacaabo Roshani Tiruwa, ayaa dhimatay habeenkii Sabtida kadib markii qiica dab ay rabtay inay isku diirimaadiso uu ku faafay aqalka ay ku jirtay.
Aabaha dhalay oo markii uu waagu baryay u garaacay aqalka gabadhiisa ayaa ugu tagay meydkeeda.
Marka la eego baaritaanka bileyska, Roshani Tiruwa ayaa habeenkii hore kadib markii ay casho la qaadatay qoyskeeda, waxaa lagu qasbay inay gaar u seexato – maadaama ay qabto dhiig.
Gudaha dalka Nepal, haweenka qaar ee hela caadada ayaan xilligaas la jiifsanin reerahooda. In kasta oo ay mamnuuc tahay in gabar lagu qasbo inay gurigeeda uga tagto Caadada ay hesho bishiiba mar, hadana madhacdo baaritaanno iyo daba-gal lagu sameeyo dhacdadan oo kale.
Isha: Radiohimilo,so
Xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!