crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> October | 2024 | HimiloNetwork

Monthly Archives: October 2024

Waa kuma Fethullah Gulen oo dhawaan geeriyooday?!

MUQDISHO (HN) – Fethullah Gülen, oo ahaa caalim Muslim ah iyo aas-aasaha Dhaqdhaqaaqa Hizmet wuxuu geeriyooday October 20, sannadkan 2024. Isbitaal ku yaalla Maraykanka ayuu ku dhintay Gulen oo jiray da’da 83. Baaniye – ama daaci iyo qoraa Gulen, wuxuu waqtigiisa inta ugu badan ku qaatay horumarinta wax-barashada, arrimaha bulshada iyo ka qeybgale doodaha diimeed. Qoraallo badan ayuu dunida ku dhaafay ...

Read More »

Daawo – Da’yarka dusha ku sida hooyadiis oo naafo ah!

MUQDISHO (HN) — Xoog aan la iska hagran iyo jaceyl aan shuruud ku xirneyn waxay gaar u tahay hooyo walba oo ilmo dhasha. Laakiin mar kasta dhashoodu uma abaal gudaan mana siiyaan mudnaantii iyo qiimihii ay ku lahayd noloshiisa. Balse sheekada soo aadan waa kuwa dhifka iyo mar la’aragga ah oo wiil uu hooyadiis ugu abaalgudo uguna samafalo! Halkan hoose ...

Read More »

La kulan – 31 jirka dusha ku sida hooyadiis oo naafo ah!

MUQDISHO (HN) — 31 jir u dhashay Shiinaha ayaa amaan iyo bogaadin ku mutay fal baarinimo leh oo uu sameeyey. Wuxuu hantidii uu heystay oo dhan isaga iibiyay si uu hooyadiis oo naafo ah ugu soo wareejiyo guud ahaanba Shiinaha – isaga oo weliba dushiisa ku xambaaraya! Xiao Ma wuxuu jiray 8 sano markii shil gaari oo waalidiintiisu galeen uu ...

Read More »

Nin baranbaro ‘nool’ calooshiisa laga helay!

MUQDISHO (HN) – Dhaqaatiirta New Delhi waxaa la yaab ku noqotay inay mindhicirihiisa ka helaan baranbaro 3-centimeter bukaan ka sheeganayay calool-majiir iyo dheefshiid xumo! Ninkaan ayaa isbitaal yimid kaddib saddex maalmood oo uu xanuunsanaa sida uu sheegay. Wuxuu ka cabanayay abitayt xumo iyo caloosha oo fadhisa. Wuxuu sheegay in maalmo kahor uu iibsaday cunnooyinka lagu iibiyo jidadka. Dhaqaatiirta ayaa si kastaba, ...

Read More »

Diiq dadkii lahaa maxkamadda looga wacay qeyladiisa awgeed!

MUQDISHO (HN) – Lihilayaasha diiq la yiraahdo Ricco ayaa la filayaa inay kasoo hor muuqdaan maxkamadda kaddib dacwad uga timid deriskooda oo ka seexan waayay qeylada badan ee diiqooda! Hurdo bargo’ leh, maskaxda oo buuq looga furay iyo gebi ahaanba inay ka quusteen inay saani u jiifsadaan ayaa ah eedaha ay deriskan ka sheegteen Ricco. Waxay sheegeen in habeen iyo ...

Read More »

Ninkii naafada ahaa oo afadii daryeeli jiray furay kadibna naag kale guursaday!

MUQDISHO (HN) – Haweeney Malaysian ah oo muddo lix sannadood ah daryeeli jirtay seygeeda oo sariiryaal ahaa ayaa ku dhawaaqday inuu furay kadibna uu xaas kale guursaday! Nurul Syazwani waxay si joogto ah usoo dhigi jirtay baraha bulshada nolosha dib usoo kabashada leh oo seygeeda helayo maalinba maalinta ka dambeysa. Waxaa la arki jiray iyada oo u qubeynaysa, dharka iyo xafaayadda ...

Read More »

55 sano kaddib Afgembigii dhacay maxaa laga dheefay?!

MUQDISHO (HN) – Maanta oo kale 21 October sanandkii 1969-kii dalka waxaa ka dhacay af-gambi aan dhiig ku daadan oo lagu riday xukuumaddii rayidka ahayd. Waxaana qorshaha af-gambigaas maleegay militarigii dalka. 55 sano ayaa laga joogaa markii af-gambigaas lagu magacaabay Kacaan – hoggaamiyana loogu doortay Maxamed Siyaad Barre. Haddaba, dhib iyo dheef maxaa laga dhaxlay xukunkii askarta? Af-gambigii ciidamadu ma ...

Read More »

Tuug hawlkar ah oo u dhaca guryaha dadka kadibna u qabta hawsha guriga oo lagu xukumay 22 bilood oo xarig ah…

MUQDISHO (HN) – Nin u dhashay dalka Poland ayaa dhawaan lagu xukumay 22 bilood oo xarig ah kadib markii lagu helay inuu jabsaday labo guri una qabtay howlo kala duwan, sida dhar-dhaqidda iyo nadiifinta dhulka. Damian Wojnilowicz oo 36 jir ah ayaa ah weli mid xanaqsan. Ma aha oo kaliya inuusan ka helin mahadnaq aad u badan dadka dhibanayaasha u ...

Read More »

Dhibaatada ay la kulmaan carruurteenna duruufaha adag ku shaqeeya.

MUQDISHO (HN) — Burburkii dalka wuxuu si guud u saameeyey nolosha qoysas badan oo carruurtii ay dhaleen ay ku qasbanaadeen inay noqdaan kuwa buuxiya kaalintii aabbe-nimo ee soo dhicinta nolosha reerka. Meelo kala duwan oo heerarka nolosha ah ayay ka xoojiyaan aalaaba carruurtan sida inay baalashle-yaal noqdaan iyo wixii la halmaala. Wax badanse lagama oga duruufaha adag oo ay ku ...

Read More »

Sidee looga faa’idaysan karaa dhalinyarada baratay cilmiga Adeegga Bulshada?

MUQDISHO (HN) — Kulliyadaha dhawaan ay aad uga soo aflaxeen dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed waxaa kamid ah kulliyadda adeegga bulshada ama social work. Waxaana sannad kasta kasoo qalinjebiya jaamacadaha arday fara badan oo cilmigaas xambaarsan. Balse su’aashu waxay tahay: ma loo diyaargaroobay in aqoontooda laga faa’iideysto? Ibraahim Maxamuud ayaa wareysigan soo aadan kaga hadlaya fahamka cilmiga bulshada ay ka heystaan ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!