MUQDISHO (HN) — 31 jir u dhashay Shiinaha ayaa amaan iyo bogaadin ku mutay fal baarinimo leh oo uu sameeyey. Wuxuu hantidii uu heystay oo dhan isaga iibiyay si uu hooyadiis oo naafo ah ugu soo wareejiyo guud ahaanba Shiinaha – isaga oo weliba dushiisa ku xambaaraya!
Xiao Ma wuxuu jiray 8 sano markii shil gaari oo waalidiintiisu galeen uu ku dhintay aabbihiis – hooyadiisna uu kasoo gaaray dhaawac si xun u naafeeyey! Isaga iyo walaashiisna waxay ku qasbanaadeen inay iskood isku koriyaan – hooyadoodna daryeelaan. Nolol adag kaddib wuxuu maareeyey inuu gaaro isku filnaansho.
Badi lacagta uu sameeyey wuxuu ku bixin jiray daryeelka hooyadiis. Dadaalkiisu wuxuu ugu dambeyntii noqday mid soo muujiya ifafaalo mira-dhalay. Hadda hooyadiis in badan sariir ma saarna, waxayna awoodi kartaa inay ku fariisto kursiga cuuryaamada – ama xattaa mararka qaar ay socodka tijaabiso!
Laakiin sannadkii hore, Ma wuxuu helay farriin aanu jecleysan oo u sheegaysa in hooyadiis aan la daaweyn karin. Waana markii uu go’aansaday in waqtiga ugu haray nolosha hooyadiis uu uga dhigo mid xusuus reeba!
Shaqadiisa ayuu iskaga dhaqaaqay gebi ahaan. Wuxuuna iska iibiyay gurigiisa, gaarigiisa iyo wixii uu hanti ka heystay si uu hooyadiis ugu soo dalxiisiyo guud ahaan Shiinaha. Caqli ahaan, hooyadu waxay u fikirtaa sida ilmaha shan sano jirka ah oo kale. Ma -na wuxuu doonaya inuu hooyadiis u sameeyo xusuuso taabbagala oo ay maalin un ka sheekeyso ama looga sheekeeyo hadday dhacdo inay soo kabato! Waxay booqdeen buurta Tianshan, harada Tianchi, Fagaaraha Tiananmen, Darbiga Weyn ee Shiinaha iyo meelo kale.
Ma hadli karto hooyadu. Keliya way dhoolla-caddeysaa marwalba oo ay inankeeda dushiisa ku safrayso! Wuxuu sheegay in hooyadiis ay aad murugo badan u dareemi jirtay markii ay sariiryaalka ahayd, balse hadda uu isbeddel farxadeed ku arkayo!
“Hooyaday way i xambaari jiray markii aan yaraa: aniguna hadda ayaan xambaarayaa,” ayuu yiri. “Waqti kaagama tago inaad wax fiican sameysid: abaalkuna wuu jirayaa marwalba. Inaad tallaab qaadidna waa jawaabta ugu fiican.”
Sawirada ninkan oo xambaarsan hooyadiis ayaa ku baahay baraha bulshada Shiinaha, wuxuuna ku mutay amaan fara badan iyo bogaadin. Wuxuu hooyadiis xambaarsan yahay sannado badan, wuxuuna socdaalka safarkooda soo dhigaa bartiisa Tiktok oo ay ku xiran yihiin dad fara badan!
“Guri waxaa ah meesha ay hooyo joogto,” ayuu yiri mar la weydiiyay inuu jecleysanayo inuu hooyadiis ku celiyo gurigooda. Wuxuu intaas ku daray in – beddelkii uu ka qoomameyn lahaa inuusan waxba tarin hooyadiis – uu doonayo inuu sannadaha ka dhiman nolosheeda waqti fiican kula qaato ifka dushiisa.

You must log in to post a comment.