Isaga oo ku faraxsan xaaladda uu hadda ku sugan yahay, aabahani wuxuu sawiradda xaaladiisa kusoo baahiyay baraha bulshada halkaas oo malaayiin jeer la daawaday.
Halka dad badan ay aad ugu riyaaqeen tallaabada quruxda badan ee inantani ku daryeesho aabaheed, qaar kale ayaa nasiib xumo ka muujiyay in – halkii ay la ciyaari laheyd asaageed – ay waqtigeeda ku bixinayso shaqo aysan xilligeeda la gaarin.