crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gobalka ugu yar Kanada oo helaya Masjidkiisii koobaad. | HimiloNetwork

Gobalka ugu yar Kanada oo helaya Masjidkiisii koobaad.

Ottawa (Himilonetwork) – Kaddib shaqo dheer, Masjidkii ugu horreeyey ayaa maalintii shalay laga daah-furay Yukon oo ah gobalka ugu yar saddex gobal oo uu ka kooban dhulweynaha Kanada.
“Waa tallaab cusub oo ka dhalatay dhanka waqooyi. Waxaana loogu yeeri doonaa Star Trek,” ayuu yiri Hussein Guisti, oo kamid ah Zubaidah Tallab Foundation.
“Waad ku mahadsan tihiin inaad baqaar weyn u bedeshaan masjid lagu cibaadeysto,” ayuu yiri Angelique Bernard, oo ah guddoomiyaha Yukon – isaga oo ka hadlayay goob fagaare oo la iskugu soo baxay.
Helidda adduun dhan $75,000 oo kaga timid dowladda hoose, shaqada dhismaha Masjidka wuxuu soo bilowday sannadkii 2005 markii Kaniisadda Whitehorse United ay u oggolaatay Muslimiinta meel ay ku dukadaan.
Kaddibna sannadkii 2009, Muhammad Javed oo ah isku-dubba-ridaha bulshada Muslimiinta ee magaalada ayaa sheegay inay kireysteen goob ay ku cibaadeystaan.
Fathallah Farajat of Hamilton, waxay bilaabeen inay ka howl-galaan dhismaha masjidka maanta.
“Hadda wuu dhammaaday ugu danbeyn,” ayuu yiri Farajat.
Mareegta Bulshada Muslimiinta Yukon ayaa lagu sheegay in qiyaas dhan 40 qoysas ah ay ku nool yihiin Whitehorse.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!