Canbaareyn loo jeediyay Maal-qabeen Wiilkiisa Iskuulka ku keena Gaari qaali ah!
Posted by: Himilo
in Wararka
October 14, 2018
645 Views
Beijing (Himilonetwork) – Nin shiinees ah ayaa laga tuuray qolka lagu sheekeysto ee WeChat – iyada oo lagu soo eedeeyey inuu hodantinimadiisa ku muujinayo inuu cunnigiisa maalin walba iskuulka ku keeno gaariga qaaliga ah ee Ferrari 488.
Ninka, oo la yiraahdo Li, wuxuu madax ka yahay shirkad horumarineed oo ku taalla Hangzhou, wuxuuna caadeystay inuu subax walba wiilkiisa ku keeno iskuulka gaarigiisa qaaliga ah. Tanina uma cuntameyso waalidiinta ciyaalka kale ee fasalka la dhigta wiilkiisa, Li waxaa dhawaan lagu war-geliyay in cabasho laga soo gudbiyay.
Waalidiinta qaar ayaa is tusay in tallaabada ninkan ay saameyn caafimaad oo dhinaca maskaxda ah ay ku yeelanayso nolosha – sida inay ku fikiraan faqriga xaga heer nololeedka oo u dhaxeeya. Balse taasi uma cuntamin – waxaana loogu jawaabay in laga saaro qolka ay ku kulmaan ee WeChat.
“Ma ahan mid habboon. Waaa inaadan is muujin si walba oo aad qani u tahay,” ayuu soo dhigay barta WeChat mid kamid ah waalidiinta. “Haddii ay tahay inaad wiilkaada iskuulka gaari ku keento, waxaad adeegsan kartaa gaari iska caadi ah,” ayuu soo raaciyay waalid kale.
Li ayaa iska diiday dalabka uga yimid waalidiinta iyo qaar kamid ah barayaasha iskuulka, isaga oo ku dooday inuu waqti badan ku bixiyay lacagta uu gaariga ku iibsaday, cunnugiisana uu rabo inuu siiyo farxadda ugu sarreysa.Wuxuu intaas sii raaciyay in – haddii aragtida gaarigiisa qaaliga ah ay ka qaadayaan xasaasiyad – uusan isaga dhibtu aheyn balse ay iyagu isku keenayaan.
“Haddii dareenkiinu ku wax-yeeloobayo aragtida gaarigayga qaaliga ah, carruurtiinnuna way ku xajiimoonayaan. Sababta ii sheega aan ku iibsan karo gaari iska caadi ah si aan idinka idin kugu qanciyo?” ayuu su’aalay.
Faalladiisa waxay sii xumeysay dooddii ka dhex taagneyd. Waxaana ugu danbeyn laga saaray qolka WeChat-ka.
Sheekadan ayaa is-maan-dhaaf ka dhex dhalisay baraha bulshada Shiinaha. Halka qaar badan ay taageero u muujiyeen dareenka ay qabaan waalidiinta, kuwa kale ayaa macalimiinta iyo waalidiinta ku canbaareeyey falka ay ku kaceen. Waxayna ugu yeereen inay carruurtooda baraan qiimaha nolosha iyo ku kala duwanaanta heerarka nololeed ee bani aadmiga.
“Farqiga u dhaxeeya saboolka iyo tanaadka waa mid jiraya abid. Waana waalidiinta kuwa looga baahan yahay inay carruurtooda baraan inay u noolaadaan sida lama huraanka ah, ma ahan in lagu mashquulo hantida iyo gaariga qof kale adduunkiisa uu kusoo iibsaday.” ayuu hal qof soo qoray.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Related
2018-10-14
You must log in to post a comment.