MUQDISHO (HN) – Nin u dhashay dalka Poland ayaa dhawaan lagu xukumay 22 bilood oo xarig ah kadib markii lagu helay inuu jabsaday labo guri una qabtay howlo kala duwan, sida dhar-dhaqidda iyo nadiifinta dhulka.
Damian Wojnilowicz oo 36 jir ah ayaa ah weli mid xanaqsan. Ma aha oo kaliya inuusan ka helin mahadnaq aad u badan dadka dhibanayaasha u ahaa ama uu guryahooda galay misna uu shaqada u qabtey, laakiin waa inuu hadda ku dhawaad laba bilood xabsiga ku qaatay cabashooyinkooda dartiis!
Ninkan oo u dhashay dalka Poland ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu jabsaday misna uu ogolaasho la’aan galay laba guri oo ku yaalla magaalada Newport ee Wales, waxaanu sameeyay hawlo kala duwan sida inuu qashinka bannaanka u saaro, dhar-dhaqista, cuno karin iyo nadiifinta guriga.
Ninku xattaa waxa uu ka tagaaa qoraal warqadeed ay ku qoran tahay “Ha welwelin, faraxsanow!”
Haddaba, aan ku su’aalo haddii adiga oo ka yimid shaqadaada maalinlaha ah kadibna aad ogaato misna aragto in dhammaan shaqada guriga laguu qabtay. Maka caban lahayd oo dacwo maka gudbin lahayd qofkaan hawsha kuu qabtey isaga oo aan oggolaasho kaa qaadan.
Haweeney kamid ah dadka ninkaan dhibanayaasha u ahaa ayaa guriga timid kadibna waxay aragtay in qashinkii bannaanka loo saarey, dharkiina la meyray , cuntana lagu kariyay kushiinka , sidoo kalena shay waliba meeshii ay ku ogeyd laga dhaqaajiyey – iyada oo dareentey argagax sababay inay gurigeeda iskaga tagto lana noolaato saaxiibteed.
Dhacdadii ka danbeysay soo qabashada ninkan waxa ay dhacday 29 July kadib markii nin kamid ah dadka uu ninkaan guryahooda u dhacay uu ka arkay camera Cc-da gurigiisa ninkaan oo sii galaya, kadibna waxa uu isticmaalay qabeyska isaga oo dhaqday dharkiisii kadibna cunno sameystay, sidoo kalena cabay qamri.
Wiil uu sodog u ahaa ninka guriga leh aya yimid guriga si uu uga kexeeyo ninkan, waxa uuna ka codsaday inuu ka baxo guriga wana uu ka baxay dhib la’aan. Dhacdadan kadib ugu danbeyn police-ka ayaa so xiray ninkaan.
Qareenka edeysanahan ayaa dhawaan Maxkamadda u sheegay inuu guri la’aan ahaa markii ay dhacdooyinkan dhacayeen uuna ka xun yahay dhibaato kasta oo uu u geystay dhibanayaasha. Waxa kale oo ay ka codsadeen Garsooraha inuu ka fiirsado go’aanka maadama aanu cidna wax u dhimin intii uu falalkan geysanayay. Ninkan oo 36 jir ah ayaa qirtay labada dambi ee lagu soo eedeeyay oo ahaa tuugnimo.
Maxkamaddu waxay ugu dambeyntii ku xukuntay Damian Wojnilowicz 22 bilood oo xarig ah, iyadoo u aragtay inuu yahay “khatar weyn oo ku wajahan dadweynaha”.
Balse ninkaan weli ma helin ‘mahad celin” kaga timaada dadkii uu shaqada guriga u qabtey.
Qore: Faduma Ahmed Mohamud.

You must log in to post a comment.