MUQDISHO (HN) – Maanta oo kale 21 October sanandkii 1969-kii dalka waxaa ka dhacay af-gambi aan dhiig ku daadan oo lagu riday xukuumaddii rayidka ahayd. Waxaana qorshaha af-gambigaas maleegay militarigii dalka.
55 sano ayaa laga joogaa markii af-gambigaas lagu magacaabay Kacaan – hoggaamiyana loogu doortay Maxamed Siyaad Barre. Haddaba, dhib iyo dheef maxaa laga dhaxlay xukunkii askarta?
Af-gambigii ciidamadu ma ahaYn kedis iyo lama filaan. Wuxuu ahaa wax lasii saadaalin karay dhicitaankiisa. Xattaa dadkii loogu tuhunka badnaa inay qorsheyn karaan ayaana noqday kuwii ugu dambeyntii inqilaabay dowladdii dalka ka jirtay!
Kacaanku, wuxuu durba xasbiga Afgooye u taxaabay dhammaanba mas’uuliyiintii dowladda oo ku jiray Ra’iisulwasaarihii dalka, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Wuxuuna laalay dastuurkii la qoray 1960-kii iyo dhammaanba xeerarkii dhaqan ee lagu maamuli jiray dowladdii rayidka.
Intii u dhaxaysay 1970 ilaa 1976, Kacaanku wuxuu qeyb ahaan xaqiijiyay, sida taariikhyahannadu sheegaan, himilooyinkii iyo ujeedooyinkii ay ku qoreen warqaddii koowaad oo ay ku sheegeen inay doonayaan inay dalka kusoo dabaalaan xasilooni, sinnaan iyo horumar. Dhab ahaantiina, wuxuuna Kacanku ku guuleystay inuu si ba’an ula dagaallamo musuqmaasuqa oo kamid ah aafooyinkii daashaday dowladdii rayidka.
Wuxuu dhinaca wax-barashada ka sameeyey mucjisooyin lala amakaagay. Barnaamijkii horumarinta reer miyiga oo dadka lagu barayay inay wax qoraan waxna aqriyaan, wuxuu meertada jahliga ka saaray 70% bulshadii Soomaaliyeed oo waqtigaas heerka makasnimada ay ka joogeen 80%.
Wax-barashada oo kaliya ma ahayn middii uu sare u qaaday. Wuxuu sidoo kale dadweynaha u sahlay adeeg caafimaad oo lacag la’aan u dhow ama ah inay ka helaan xarumaha caafimaadka.
Kacaanku wuxuu dhabtii ku kacay jariimooyin foolxun oo ay kamid ahayd dilkii culimada iyo beeninta aayadaha Qur’anka. Waxaana iska cadeyd in Kacaanku dagaal ku qaaday diinta Islaamka iyo ehelkeeda. Hanti-wadaaggii cilmiga ku dhisnaa oo Kacaanku qaatay isla markii uu xukunka qabsaday ayaana sabab u ahaa.
MSBarre wuxuu sidoo kale ahaa mid kamid ah keli-talisyadii xasuuqa ka geystay dalalkooda. Wuxuu si ba’an u colaadiyay beelihii ay kasoo jeedeen xubnihii ka falaagoobay dowladdiisa ee ku dhawaaqay jabhadaha. Ciqaab-wadareedkaas ayaana isugu jiay dil, barakicin, ceelal duugis, iyo wixii la halmaala.
Balse Siyaad Barre wuxuu geesta kale ahaa qof taariikhda baal dahab ah ku reebtay. Dib u dejinta dadkii ku tabaaloobay abaartii Daba-dheer iyo sida loo maareeyey waxay ahayd astaan dowladnimo oo Kacaanku horseeday.
Si kastaba, 26 Janaayo 1991, ayaa Jabhado hubeysan oo muddo 10 sannadood ku dhow dagaal kula jiray, waxay afgembi dabadii uu dhiig ku daatay talada dalka uga tuureen MSBarre. Balse kuma aysan guuleysan inay hirgeliyaan dhismaha nidaam dowladeed oo beddeli kara xukunkiisa.
33 sanno ayaana laga joogaa dhacdadaas. Welina Soomaaliya ma helin xukun cadaalad, sinnaan, nabadgalyo iyo horumar u horseedaya. Waxaana maanta oo kale lagu kala qeybsamayaa cidda ay tahay in eedda qaranjabkii dhacay dusha loo saaro.
You must log in to post a comment.