MUQDISHO (HN) — Peanut ama Loos waxaa loogu yeeraa digaagadda ama doorada ugu da’da weyn adduunka maanta oo ku nool gobalka Michigan, dalka Maraykanka. Waxaana lagu qoray diiwaanka Buugga Guinness Record. Waxay jirtaa 21 sannadood iyo 170 maalmood. Caadi ahaan, digaagtu waxay noolaan kartaa shan ilaa sideed sannadood. Sidaas darteed, Loos waa mid aad uga fil weyn taariikhda dhow digaagga ...
Read More »Monthly Archives: September 2023
“Xabsiga i dhiga ‘ma rabo’ xurriyadda bannaanka”!
MUQDISHO (HN) — Nin 60 jir ah oo u dhashay dalka Spain ayaa sheegay inuu qadyaan ka joogo kelinimo iyo walbahaar uga yimid ama uu ka qaaday xaalado caafimaad-darro ah. Wuxuuna codsanayaa in loo oggolaado nolosha xabsiga. Waayo, ayuu yiri, ma doonayo inaan wax dambi ah geysto! Justo Márquez, wuxuu kasoo jeeda gobalka Qarnaada wuxuuna hortaagnaa xabsiga Alhaurín maalmo badan – isaga ...
Read More »Aabbe si fudud ku guursaday gabar uu soddog u noqon rabay!
MUQDISHO (HN) — Caruuskii gabadha loo guurin lahaa ayaan imaan xafladda. Sidaas darteed, waxaa booskiisa buuxiyay aabbihiis oo beddelkii uu gabadha aroosadda u noqon lahaa soddog hadda noqday seygeeda. Sababta sidaas loo sameeyey waxaa lagu sheegay si looga hortago in qarashkii badnaa ee arooska lagu dhigay uu meel cidlo ah isaga baxay! Laakiin waxay niyadjab iyo ceeb ku noqotay gabadha ...
Read More »Ninka Buruska isla dhaca oo aan ka xanuunsan!
MUQDISHO (HN) — Lino Tomasén, oo ah 32 jir hibadiisa kusoo bandhiga jidadka, wuxuu dadka kaga yaabsadaa wax aan caqliga fiyow qaadan karin. Wuxuu burus weyn la dhacaa jirkiisa meelaha ugu badan sida gacmaha. Mana ahan mar kaliya maalintii. Ku dhawaad 1,000 jeer ayuu isku dhuftaa ama isla dhacaa buruska. Sidaas oo ay tahayna, wuxuu sheegay inuusan wax xanuun ah ...
Read More »Gudaha Moolka ugu weyn Adduunka!
MUQDISHO (HN) — Moolashada waxay astaan u yihiin dhaqaalaha iyo ganacsiga Maraykanka, waxaana la sheegaa in in ka badan 100,000 oo moolal wax laga iibsado ah ay ku yaalliin gudihiisa. Laakiin, moolka ugu weyn, sidaas oo ay tahay, kuma yaal dhexdiisa. Wuxuu ku yaallaa dalka Iiraan. Wuxuu ku yaal caasimadda Tehraan. Wuxuu ku fadhiyaa wareeg dhan 32 mitir oo wareeg ah: ...
Read More »Dumarka iyo Baranbarada!
MUQDISHO (HN) — Ma dhab baa mise been? Baranbaradu waa cayayaan la sheego inay ka cabsadaan dumarweynaha adduunka – gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed. Balse ilaa hadda majiraan seynisyahanno si qoto dheer uga dooda waxa sababaya cabsida dumarku ka qabaan baranbarada. Baranbaradu waxay cunno la’aan noolaan kartaa muddo bil ah, waxayna labo toddobaad oo xiriir ah joogi kartaa biyo la’aan. Si ...
Read More »Aadaanka oo laga ‘oggolaaday’ New York.
MUQDISHO (HN) — Muslimiinta New York waxay hadda kaddib fasax u heystaan inay codbaahiyaha u adeegsadaan aadaanka salaadda Jimcaha inta lagu jiro bisha Soonqaad, waxaana go’aankaas ku dhawaaqay duqa magaalada, Eric Adams. Iyada oo la raacayo sharciga loo ansixiyay, Masaajidu uma baahan doonaan idan marwalba oo ay rabaan inay codbaahiyaha u adeegsadaan aadaanka salaadda Jimcaha. Duqa magaalada ayaa war qoraal ...
Read More »“Muslimiinta iyo Islaamku waxay kamid yihiin Jarmalka.” — Madaxweynaha Jarmalka.
MUQDISHO (HN) — Naceybka iyo jirxumeyska ka dhanka ah Muslimiinta Yurub waxay joogtaa heerkii ugu sarreeyey. Farriin loo arkay inay waqtigeeda ku timid taas oo dhambaal togan u sida ayuu yiri madaxweynaha Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier. Steinmeier ayaa sheegay in ilbaxnimada, kala duwanaanshaha iyo dhaqanka bulshada Muslimiinta iyo diinta Islaamka inay ka qeyb yihiin dalnimada Jarmalka. Wuxuuna muwaadiniinta ugu yeeray inay ...
Read More »Xiddiga Jarmalka oo qaatay diinta Islaamka!
MUQDISHO (HN) — Cayaaryahanka Jarmalka u dhashay ee Robert Bauer ayaa qaatay Islaamka – isaga oo bartiisa Instagram-ka ku muujiyay. Gaashaankan xulka qaranka Jarmalka u cayaara, naadiga Al-Tai FC ee ka dhisan Sucuudiga. Wuxuu bartiisa soo dhigay sawir uu salaadda dukanayo. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in qaadashadiisa diinta Islaamka ay kaalin weyn ka qaateen xaaskiisa iyo xigtadiisa, sida ay kusoo ...
Read More »Naadiga Qosolka ku daweeya Dadka ee Hindiya!
MUQDISHO (HN) — Qosolku waa daawada ugu fiican. Taas waa farriin kaaga imaanaysa Naadiga Caafimaadka ee xaruntiisu tahay bartamaha Bombay, dalka Hindiya. Naadiga ayaa rumeysan hal kal oo 15 daqiiqo ka kooban oo qosol ah inay kordhiso heerka nolosha. Waxay abuurtaa dareen xasilooni iyo bedqab leh. Saaka markay saacaddu ahayd 7:00 subaxnimo ayay xubnahan oo naadiga katirsan iskugu soo urureen ...
Read More »