MUQDISHO (HN) — Waalidiin Shiinaha u dhashay ayay fajaciso ku noqotay markii ay ogaadeen in gabadhooda 13 jirka ah ay adduun dhan 449,500 yuan ($63,000) ku bixisay cayaarta fiidiyow-game-ka. Mar qura ayay ka war heleen koontadii ay lacagta ku dhuran jireen oo faaruq ah – kaliya nus doolar ayaa loogu tagay. Haweeneydan iyo seygeeda waxay gu’yaal badan lacag ku keydsan ...
Read More »Monthly Archives: July 2023
Shirkad lagu dhaleeceeyey fal baalmarsan xeerka shaqaalaha.
MUQDISHO (HN) — Shirkad tiknoolojiyadda ka shaqeysay oo Hindiya ku taal ayaa dhawaan sameysay fal hadalheyn aad u badan ka dhex dhaliyay dadweynaha kaddib markii mid kamid ah maareeyayaasheeda uu faray in shaqaalaha xarunta aysan ka tagi karin amar la’aantiisa – waxaana albaabka laga baxo la arkayaa silsilad ku xiran. Muuqaalka waardiyaha oo qunful ku jebinaya ganjeelka weyn ayaa ku ...
Read More »Masjid loo dhibaateeyey ‘Islaam-naceyb’ oo dib loo dayactirayo!
MUQDISHO (HN) — Tallaab garab istaag iyo gacaltooyo leh ayay ku timid in adduun dhan $10,000 loo ururiyo in lagu dayactiro Masjidka New Mexico kaas oo dhowr jeer lagu soo qaaday weerar – ugu dambeyntiina lagu qasbay in albaabada la iskugu dhifto. Dad naceyb u qaba Islaamka iyo Muslimiinta ayaa dhowr jeer gudaha usoo galay Masjidka iyaga oo burburiyay wax ...
Read More »Haweeney 81 jir ah oo xabsi u galaysa ‘qorshe dil’ oo ay qeyb ka ahayd fulintiisa.
MUQDISHO (HN) — Haweeney 81 jir ah oo la sheegay inay xiriir hoose la lahayd dilayaasha Krasnodar ayaa loo xiray fal ah inay amartay dilka sarkaal dambi-baare ah. Lyudmila Ryabykh ma ahan abooto caadi ah. Kaliya xiriir lama lahan dilayaasha ee waxay sidoo kale madaxiisa duldhigtay dilka sarkaal dambi-baare ahaa oo hadda kahor ay sharciga isku qabteen. Dhawaan waxaa dhacday in ...
Read More »Sheekada Aabbihii muddo 22 sano baadigoobayay wiilkiisa oo laga xaday!
MUQDISHO (HN) — Aabbe Shiinees oo 22 kii sano ee lasoo dhaafay dadaal ugu jiray sidii uu dib ugu heli lahaa inankiisa laga afduubtay ayaa ugu dambeyntii ka helay meel degmadiisa u jirta 900 km ama 560 meyl. Sannadkii 20021, Lei Wuze wuxuu ka tagay gurigiisa isaga oo aan ogeyn inay tani noqon doonto markii ugu dambeysay oo uu arko wiilkiisa. ...
Read More »Qalab jawiga Masjidka Suubanaha ka dhigaya udug iyo caraf oo la rakkibay!
MUQDISHO (HN) — Heerkul mararka qaar aad u daran ayaa ka jira magaaladii Suubanaha NNKH, laakiin waxaa meel walba oo Masjidka Nabiga kamid ah lagu rakkibay qaboojiyayaal jawiga dhan ka yeelaya meel aad u qabow oo hurdadu kaaga soo dhawacayso. Balse taas hadda waxay u muuqatay inaysan kaliya ku fileyn jamaacada salaadaha ku oogaya gurigii iyo masjidkii Suubanaheenna NNKH, waxaana ...
Read More »Xaajigii Baadariga ahaa saddex bil kahor Xajkiisa
MUQDISHO (HN) — Saddex bilood kahor, baadariga Richmond wuxuu arkay riyo dhexdeeda loogu sheegayo inuu dadka ku xiran kaniisaddiisa ugu yeero Islaamka – waana uu fuliyay amarkaas. Dhammaantoodna, alxamdullilah, waxay noqdeen Muslimiin. Hadda saaxiibadiisa iyo walaaladiisa Muslimiinta ah waxay ugu yeeraan Ibrahim Richmond, oo ah magac uu doortay markii uu diinta qaatay kaddib. Wuxuuna sannadkan kamid ah xujeyda fursadda u heshay ...
Read More »Garoon kubadda cagta oo mar qura kutubka Qur’anka si weyn loogu dabaaldegay!
MUQDISHO (HN) — Cayaartoyda, calanwalayaasha, iyo garsoorihii dhexdhexaadinayay kulan labo kooxood oo Ciraaqi ku dhex maray garoon kubadda cagta ah ayaa soo qaatay kutubka Qur’anka kariimka ah si ay uga falceliyaan dhacdadii foosha xumeyd ee Sweden lagu sameeyey taas oo ay ka caroodeen Muslimiinta caalamka oo dhan. Laacibiinta labada kooxood ee kala ah; Al-Shorta iyo Al-Qasim ayaa kahor furitaanka kulankooda ...
Read More »Deeqsinimada Muslimiinta darteed ayuu kusoo ‘islaamay’!
MUQDISHO (HN) — Myles Hembrow wuxuu rumeysan yahay in safarkii uu ugu baxay Cumaan – si uu uga qeybqaato howlgalka xeebaha – uu u ahaa daaqaddii uu ka arkay diinta Islaamka. Waxay ahayd maalinta weyn ee Ciidda, waxaana ninkan uu la dhacay casuumaadda iyo martiqaadka heerka sarreeya oo ay u fidiyeen Muslimiinta. “Waxa iga yaabiyay waxay ahayd innaga oo ah ...
Read More »Saca ugu qaalisan adduunka!
MUQDISHO (HN) — Sac shan jir ah oo ah nuuca la yiraahdo Nelore waxaa dhawaan lagu qiimeeyey adduun dhan $4.3 million, taas oo ka yeeshay midka ugu qaalisan adduunka maanta. Viatina-19 FIV Mara waxaa kaalintaas loo boqray sannadkii hore markii qeyb kamid ah saamigiisa lagu iibsaday adduun dhan $800,000, sababta qiimihiisa sare u dhigtay ayaa lagu tilmaamay inay tahay jaadka ...
Read More »