crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> June | 2022 | HimiloNetwork | Page 3

Monthly Archives: June 2022

Dadka sugayay deeq raashiin ah oo la siiyay Macmacaan + Sawiro.

MUQDISHO (HN) –– Boqollaal qoysas ah iyo carruurtooda oo ku nool gobalka Tula ee dalka Ruushka ayaa gargaar ahaan u helay cunnooyin buskud-la-moodka ah ee lagu faakiheysto xilli ay filanayeen inay heli doonaan cunno ay karsadaan oo dalag iyo iidaan isugu jira. Bishii May saxaafadda Ruushka ayaa baahisay in dowladdu ay deeq cunno ah gaarsiisay dadka ku nool gobalka Tula ...

Read More »

Haweeneyda Cidiyaheeda korinaysay muddo 30 sanno ah +Sawiro.

MUQDISHO (HN) — Cordelia “Dee Dee” Adams, oo ah gabar ku gaarowday qurxinta ciddiyaha faraha ayaa muddo 30 sannadood ah waxay ka caaganeyd inay jarto faraheeda oo hadda dherer ahaan gaaraya in ka badan 12 inches. Waana 59 jir ku nool Indiana, dalka Maraykanka. Sannadkii 1989 kii ayay bilowday inay dayso cidiyaheeda. Waxayna soo jiidatay indhaha dadka waana mid ay ...

Read More »

Nin cabsan oo Jajabiyay Baabuur qaali ah!

MUQDISHO (HN) — 24 jir u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu riday xukun ah inuu bixiyo lacag dhan $150,000 si loogu dayactiro waxyeelooyin uu u geystay gawaari nuuca raaxada ah xilli uu cabsanaa. Muuqaallada CCTV ayaa muujiyay ninkan oo kasoo baxaya baar qamriga lagu iibiyo kadibna laad iyo gacanba isugu daraya gawaari ku baakiman baarka hortiisa kuwaas oo ahaa kuwa ...

Read More »

Maalinta Caalamiga ee Dhiigbixinta – Badbaadi Nolol oo bixi Dhiig.

MUQDISHO (HN) — Maalin kasta dad aan yareyn ayaa ku deeqa dhiigooda si ay u badbaadiyaan naf u baahan, waana maanta oo kale oo ku beegan 14 June oo dunida laga xuso maalinta caalamiga ah ee dhiiq deeqista. Maxayse maanta oo kale uga dhigan tahay dhiig ku deeqayaasha? Axmed Cabduqaadir Maxamed waa guddoomiyaha Ururka Banaadir Blood Service. “Waa maalintiina – ...

Read More »

Sababta Lammaane Muslimiin ah ay hadyado u guddoonsiiyaan ilmaha wadne-xanuunka qaba.

MUQDISHO (HN) — Lammaane Muslimiin ah oo cunug laba jir ah oo ay dhaleen u geeriyooday xanuunka wadne xanuunka ayaa go’aansaday inay raaadkiisa nooleeyaan iyaga oo dadka ku jira isbitaallada ee wadnaha ka xanuunsan. Yahya Rawat, wuxuu ku dhashay xaalado xanuunka wadnaha ah oo isbiirsaday mana loo fileyn inuu sii noolaan doono laba bil kaddib. Wuxuu ku dhintay dhabta hooyadiis ...

Read More »

Ardaydii ‘hal maalin ka soomay’ Ramadaanka.

MUQDISHO (HN) — Arday dhigata iskuulka Lancashire ayaa Ramadaankii tagay ka soomay hal maalin si ay ardayda Muslimiinta ah ula qeybsadaan maalintooda waxna uga bartaan waaya’aragnimada soonka. Tallaabtan ay ku dhaqaaqeen ardayda dugsiga Darwen Aldridge Enterprise Studio School waxaa usoo jeediyay barahooda maadada seyniska, Qasim Hussain oo aad ugu faraxsanaa inuu arko ardaydiisa kala diimaha ah inay maalin qura wada soomaan. ...

Read More »

Xiisaha loo qabo Culuumta Baddaha oo soo badanaysa.

MUQDISHO (HN) — Ibrahim Xuseen Maxamed wuxuu dhigtaa cilmi aan inta badan lagu bixin jaamacadaha dalka. Waana sannadkii ugu dambeeyey ee jaamacadda uu ka dhigto culuumta badaha. “Markii aan arkay kheyraadka muuqda oo aan aqoontiisa martida uga nahay umadaha kale iyo in la joogo waqtigii si dhab ah looga faa’iideysan lahaa,” ayuu yiri. “Waxaan go’aansaday inaan barto.” Marka loo eego ...

Read More »

Isbitaalka Ceelbuur oo dib u howlgalaya 10 gu’ kaddib.

MUQDISHO (HN) — Waa ilmihii ugu horreeyey ee ku dhasha isbitaalka degmada Ceelbuur oo aan gudihiisa lagu bixin wax adeeg bulsho oo dhanka caafimaadka ah muddo 10 sannadood ah. Hooyadeed waa ugub. Waxayna noqotay gabadhii ugu horreysay oo gudaha degmadeeda ku hesha daryeel caafimaad oo gu’yaalihii tagay aan loo fidin bulshada magaalada. In door marka laga yimaado, dhaqtar kamid ah ...

Read More »

La kulan – Ragga u lebista sida Maalqabeennada balse ku hoyda Guryaha Danyarta.

MUQDISHO (HN) — Waxay u labistaan sida maalqabeennada. Waxayna ku nool yihiin guryo isku raran ah oo jiingado u badan. Waa sabool ama danyar. Waxayse hodan ka yihiin xagga dharka. Laakiin jeebbabkoodu waa faaruq. Waxaynu maqli jirnay maahmaahda ah meel siday u taal ayaa loola yaal. Laakiin hadda da’yartani in badan ma aaminsana aragtidaas. Waxayna ku nool yihiin laba duni ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!