crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dhibanihii Facebook-ga | HimiloNetwork

Dhibanihii Facebook-ga

Qeybtii ugu danbeysay ee saddexaad;
Muqdisho (Himilonews) – Iyada ahaan, waxay lumisay inay iska caabiso ninkan. “Wuu i salsalaaxay, durbana waxaan lumiyay dareensidahaygii. Waxaan bilaabay inaan daba-kaco. Isaga unbay ahayd, qof kale lama uusan soconin. Waa gaban dhalin-yar oo u dhaxeeya 24-25. Wuxuu ii sheegay in isaga iyo waalidkiisa ay ku nool yihiin dhismahan qabyada ah.” Waxay sharaxday in abbaaruhu ahaa 4;30pm ee maalintaas. “Sidii aan gudaha usii dhaadhacnayba, waxaan arkay hablo kasoo baxayay dhismaha. Waxaan arkay lugmaallo iyo kuwa kubbad barxadda ku ciyaaraya. Kolkii aynu gudaha sii galnay, wuxuu ii sii kaxeeyey dabaqa afaraad. Waxa aynu hadana sii galnay qol weyn. Waxaan arkay maryo. Wuxuu ii sheegay in docda kalana uu deris ka xigo. Kolkii aynu kusii saanqaadnay jaranjarada, waxaan u sheegay inaan daalay; hayeeshe, wuxuu ii muujiyay inuu asba dhimrinayo. Gidaarrada waxaan ku arkay humaagyo naxdin iyo argagax sita oo darbiyada lagu marriimay. Waxaan kaloon ku arkay unuunyo dadeed gidaarada dushooda. Cabsi iyo anfariir ayaa igu dhalatay. Waxaan isku dayay inaan baqo-cararo. Hayeeshe, wuxuu iska soo jaray toorrey. Wax cabsoodaan ahaa mana aan dareensiin. Wuxuu I faray inaan kusii saan-qaado dusha sare oo aan sii galo qolka ballaaran ee i horyaalla. “ ayay ku sharaxday Agbaazue.
Kolka iyada loo fiiriyo, goobtu waxay u ekeyd hoosiis “dallad” leh daaqado badan. Waxay sheegtay in ninku faray inay kasoo durugto daaqadda. “Waan kasoo dhaqaaqay daaqadii. Wuxuu i faray inaan dharka iska bixiyo. Waxaan u sheegay inuusan seygeyga ahayn oo aan dharkayga ku hor-siibi Karin. Wuxuu ii sheegay inaan iska darayo, hayeeshe waxaan kusii socday inaan ku ag baryootamo. Balse marka aan sii baryaba, wuxuu igu sii cabaadshaa toorreyda. Wuxuu igu yiri; haddaan jaallayaashayda u yeero, xaalku wuu sii qurmi doonaa.” Ayay tiri. Micheal wuxuu bilaabay inuu wax waco. Wuxuuna kusii socday inuu iska daba waco jaallayaashiisa.
Marka iyada loo eego, ninku wuxuu u sheegay inaysan isku dayin inay baxsato. Hadda oo ay quus ku dhawaatay, waxay u ruqaansatay dhankii daaqadda si ay u baxsato. Waxay isku dayday inay kasoo daadagto iyada oo qabsanaysa bir-socoto cirifka kale dhulka uga sii dagaysa.
Bartaas, wuu kusoo cararay isaga oo qabtay gacanteeda—iskuna dayaya inuu ka hortago daadagisteeda, waxay adeegsatay gacanteeda kale si ay isaga caabiso. Waana sidan qaabkiisa ay dhulka ugu soo dhacday.
Daganayaasha goobta ayaa arkay Ada oo dhisamaha kasoo dhacaysa iyaga oo moodaya is-miidaamin. Saraakiisha ciidanka ayaa hadaba Agbaazue ku sheegay inay ahayd dhibane eersatay xiriirada qaldan ee Facebook-ga.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!