Dhibanadii Facebook-ga!!
Posted by: Zakariya
in La-yaabka
June 14, 2015
661 Views
Lagos, Nigeria (HIMIMLONEWS) – Agbaazue, maalintaas dhakafaarka leh. Waxay u labisatay la kulanka Micheal. Falanqeynta wixii ku dhacay, gabadhan yari waxay hoosta-ka-xariiqday inay wicid ka heshay telifoonkeeda. “Moobilkayga ayaa soo dhacay, nin ayaana rabay inuu ila hadlo. Ma ogi siduu ku helay numberkayga. Hayeeshe, wuxuu ii sheegay magaciisa in Micheal la yiraahdo mise ahayn mid kamid ah Micheal-ladii aan garan jiray. Wax dareen ah imuu galin waayo wuxuu igu balanshay bar-sal-dhigeedka gaadiidka waaweyni ka baxaan. Kolkii aan gaaray halkaas, waxaan ogaaday inuu sawirkayga ka eegayay moobilkiisa. Wuu i fiirsaday suu ii xaqiiqsado. Wuxuu taagnaa wadada docdeeda kale,” ayay ku sharaxday. Agbaazue, waxay sheegtay in qacdii horaba uu dareen ku dhashay waayo ninku umaanu ekeyn kii ay Facebook-ga ku baratay. Tilmaantaas, waxay si kalaba-labeyn ah u tusmeysatay inaanay garanayn ninkani. Sidii uu isku dayayo inuu dib-u-hubsado, wuxuu Agbaazue u sheegay inay usoo talowdo dhankiisa. Garwaaqsanaan la’aanta ah inay qaladaad ku dhici karto, Agbaazue waxay u talowday dhankiisa. Ninkii ayaa sal-salaaxis ku xoodaanshay durbadiibana, sida ay sharaxday, arrintu way is-rogtay.
Qeybtii labaad
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Related
2015-06-14
You must log in to post a comment.