crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Bulshada iyo Han-fahmeedka Deegaaneed!! | HimiloNetwork

Bulshada iyo Han-fahmeedka Deegaaneed!!

Muqdisho (Himilonews) – Sida la ogyahay, laf-dhabarta dhaqaalaha dalku waa xoolaha nool. Biyo iyo baad ayay ayay xooluhu u baahan yihiin. Haddii kale wey le’anayaan oo anfac ma yeeshaan.
Ugaartu dadka iyo dalkaba waxtar weyn ayay u leedahay; hilibkeedaa la cunaa, saanteedana siyaabo badan ayaa loo manaafacadsadaa. Dalxiiska ka yimaadda dhulka shisheeyaha ah ayaa noo daawasho yimaada. Ugaarteennu lacag adag bay dalkeenna soo gelisaa.
Nafleydaas oo dhami, kuwaas oo xanbaarsan waxtarradaas qiimaha badan, doogga iyo dhirta ka baxa dhulka ayay ku nool yihiin. Sidaas darteed, dhirta dadku jarayo ama gubayo, dhaawac weyn bay u geysanayaan dhaqaalaha dalkeenna. Maxaa yeelay, wixii dhulka kasoo baxay ee dad iyo duunyaba ku noolaayeen baa yaraanaya ama gebigood baaba’aya.
Hadaba, qofka kasta waxaa la farayaa in uu sida naftiisa oo kale u xanaaneeyo dhirta dalkeenna ku taalla. Qof geed bilaash u gooyay denbi weyn buu galay; illeen naf nool buu gooyay. Waa inaynu si wacan u dhaqaaleyno deegaankeenna mood iyo noolba.
Hadiise aan laga joogsan hadimmada ba’an ee deegaanka ku socota, waloow hadda ay jiraan ururro iyo maamullo ku howshoon wacyi-gelinta iyo wax-u-qabadka deegaanka, waxaan u jeedaa Dal ba’ay iyo Dad boholyoobi doona.
Ka cabashada shaqo la’aanta iyo cunno-yarida ka jirta Afrikada hodanka ah, siiba dalkeenna oo xirfad ka dhigtay dawarsiga gacan-hoorsi ee reer Galbeedka, waxaa looga bixi lahaa iyada oo qof waliba buuxiyo Kaalintiisa kaga aadan deegaanka. Dal ballaaran oo barwaaqo ku fadhiya oo dadkiisana lagu suntay sabool iyo dad aan dawarsiga shisheeyaha ka sariigan ayaa ah ayaandarrida ugu weyn ee naga reebtay la sinnaanta Aadmiga nool qarniga 21—aad.
Kun-iyo kumaan kun oo shaqo iyo wax-soosaar leh ayaa kaliya ku jirta deegaankeenna haddii oo si hufan loogu jeesto. Deegaanka kaliya ayaa ku filan inuu daboolo baahida qof kasta oo Soomaali ah. Moodka iyo nooliga ku sugan deegaankeenna waa inaynu ka manafacsanaa. Hadii kale waxaynu lamid nahay Dameero lagu raray malab . Hayeeshe, geel indha-kuul maxaas ka kasaaaa?!!
“Haddii Qiyaamuhu dhacayo oo midkiin gacantiisu ku jirto abuur/iniin, waa inuu beeraa” Nabi Muxummad NNKH.
“Marka aad u qorshayso sanad ahaan, beer iniin. Marka aad u qorshayso gu’yaal, geed beer. Laakiin marka aad nolosha u qorshayso, dadka wax bar”
In geed la beeraa waa arrin mahuraan noqonaysa xittaa haddii qiyaamuhu dhacayo. Waayo waa cibaado Ilaahay loogu dhawaado iyo dhulkiisa oo loo cammiro. Ilaahayna wuu jecel yahay quruxda.
Taas dhiggeedana waa gaboodfal ba’an oo ciqaab muta in geed bilaash iyo biririf yar loo jaro. Ilaahayna wuu yeelay naxariis beer walba oo qoyan. Qofkii beerkaas qooyana, wuxuu u ballan-qaaday naxariis. Eebana ballamaha ma baajiyo.
Marka walaalayaal, intaynu geed jaris ku howshoon lahayn, aynu ku haliilno xanaaneynteeda iyo xurmeynteeda. Waayo iyadaa cuud iyo caafimaad iyo camalka Eebe oo si fiican loogu cammiraa caziihiisa lagu hananayaa.
Xigasho–buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Zakariya Hassan “Hiraal.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!