HomeDunida MuslimkaMuslimkii ugu horreeyey Britain ee fuula Buurta ugu dheer Adduunka.

Muslimkii ugu horreeyey Britain ee fuula Buurta ugu dheer Adduunka.

MUQDISHO (HN) — Buurfuule Akke Rahman ayaa noqday Muslimkii ugu horreeyey ee ku nool dalka Britain ee kora buurta ugu weyn dunida ee Mount Everest isaga oo dhammeystiraya riyadiisa ahayd inuu yabooh u sameeyo agoonta – isaga oo weliba sooman.

Waxay ku qaadatay laba caanamaal ku dhawaad inuu ku gaaro dhakada ama figta sare ee buurta oo dhan  8,849 oo mitir. Laakiin halgankiisu wali wuxuu ula muuqda mid bilow ah.

“Quruxda iyo qaayuhu waxay wali kasii gadaaleeyaan halganka,” ayuu yiri.

Akke wuxuu ahaa mid sooman markii uu fuulayay buurta iyo ku dhawaad laba toddobaad ah oo uu horay u soomanaa. Mana jebin soonka si uu daaqad ku filan uga helo wax cunista.

Laakiin ma ahan Muslimkii koowaad ee fuula buurta. Jara al-Hawamdah oo ah qaxooti Falastiini ah taas oo kansar uu ka jaray lugteeda ayaa sannadkii 2020 ku guuleystay inay fuusho buurta ugu dheer adduunka.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments