crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> March | 2018 | HimiloNetwork | Page 3

Monthly Archives: March 2018

Atariisho Hindi ah oo Islaamtay.

Delhi (Himilonetwork) – Atariishada shaashadaha Hindiya, Dipika Kakar, oo diinta Islaamka kusoo biirtay kahor inta aysan guursan atooraha  Shoaib Ibrahim, ayaa sheegtay inay ku faaneyso inay tahay Muslimad. “Wuxuu ahaa go’aan aniga iga wada yimid. Ma ahan mid ka yimid meel kale. Mana ahan wax laga hadlo in badan,” ayay Kakar u sheegtay warbaahinta. Gabadhan ayaa Islaamka qaadatay bilowgii sannadkan markii uu guursaday ...

Read More »

Kuuriya oo kordhinaysa goobaha ay ku cibaadeystaan Dalxiisayaasha Muslimiinta ah.

Seoul (Himilonetwork) – Dowladda Koofur Kuuriya ayaa shaacisay qorshe ay ku dhiseyso dhowr meelood oo ay ku cibaadeystaan dalxiisayaasha Muslimiinta si ay u fuliso baahida isasoo taraysa oo ay u qabaan goobo ay ku fuliyaan amarrada ruuxiga ah ee diintooda. “Badi Muslimiintu waxay ka dukaameystaan Myeong-dong iyo Dongdaemun, waana goobo ay ku yar yihiin meelo lagu tukado, waxaana dareemi karnaa in ...

Read More »

Maxaabiistii – Jahliga iyo Xabsiga – mar qura ka xoroobay!

Delhi (Himilonetwork) – Gacan-ku-dhiiglayaasha iyo af-duubatada kuwaas oo aan qabin dareen argagax leh oo la xiriira xukun-sugistooda, hadda waxay ku shamuumayaan buugaagta u taalla qolalka xabsiyada dhaca dhulka Mahatma Gandhi si ay wax ugu bartaan. Xaqiiqdii, Xabsiga Dhexe ee Ahmedabad oo ah degmo kamid ah gobalka Gujurat oo uu kasoo jeedo RW Narendra Modi – kaas oo caan ku ahaa ...

Read More »

Kufsi-wadareedkii ugu xumaa ee Dunida soo mara.

Berlin (Himilonetwork) – Intii u dhaxeysay bilihii Janaayo iyo Agoosto sannadkii 1945-kii, dadka Jarmalka waxay indhahooda ku arkeen dhacdadii ugu xanuunka badneyd kufsi-wadareedka taariikhda la hayo oo dalkaas ka dhacday – halkaas oo tiro lagu qiyaasay laba milyan oo haween Jarmal ah ay kufsadeen Ciidankii Casaa ee Midowgii Soofiyeeti, sida uu Buuggiisa Beyond Duty uu ku qoray qoraaga Walter Zapotoczny. ...

Read More »

La kulan – Naqshadeeyaha Marada Madow ee Kacbada ku dadan.

MAKKA (Himilonetwork) – Mokhtar Alim Shaqdar waa naqshadeeyaha ama farshaxamiistaha rasmiga ah ee Kiswa – oo ah marada madow ee lagu dado Kacbada Barakaysan. Shaqdar wuxuu shaqadan kala wareegay Abdulraheem Bokhari, oo sanadkii 1996-kii ku dhintay da’da 90-jirka. Shaqdar wuxuu ku biiray dugsiga lagu barto farshaxanka Masjidka Weyn sannadkii 1978-kii halkaas oo uu laba sano ku qaatay ku taqasuskeeda. Waqtigaas ...

Read More »

Sawirrada Noloshii hore ee Yaasir Carafaat oo la helay.

Muqdisho (Himilonetwork) – Fogaan-aragga al-Carabiya ayaa baahiyay sawirrada hoggaamiyihii hore ee Falastiin, AUN Yaasir Carafaat oo la sawiran walaashiis Khadeejah iyo walaalkiis Fathi. Macadda goortii sawirradan la qaaday, hayeeshe waxaa loo maleynayaa goor ay hooyadiis Zahwa geeriyootay kaddib uu galay gacanta labada gabdhood ee la dhashay oo lagu kala magacaabo An’am iyo Yousra. Sawirrada waxaa soo biiriyay Nasser al-Kidwa oo waraysi uu fogaan-aragga al-Carabiya ...

Read More »

Cajiib – Dhaqaatiir iska diiday in Mushahar kordhin loo sameeyo.

Quabec (Himilonetwork) – Dhaqaatiirta dalka Kanada waxay la tahay inay helaan mushaar ka badan inta ay u baahan yihiin. In ka badan 600 oo dhaqaatiir iyo isugu jira ardayda barata caafimaadka ayaa saxiixay warqad ka-dhan ah mushaar kordhin loo sameeyey. Iyaga oo tix-gelinaya xaaladda adag oo ay kula dhinac shaqeeyaan shaqaalaha kale ee caafimaadka, waxay tallaabadani ku tilmaameen mid argagax ...

Read More »

3000 oo Qof oo kusoo Islaamay Dubai.

Dubai (Himilonetwork) – In ka badan 3000 oo qof oo ka kala soo jeeda 69 dal oo dunida oo dhan ah ayaa kusoo muslimay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay Hey’adda Dacwada ee n Dar Al Ber Society. “KU dhawaad 2,785 kamid ah waxay kusoo muslimeen xarunta hey’adda ee Dubai – halka inta kalana ay kusoo muslimeen e Ras Al Khaimah,” ayuu ...

Read More »

Bolivia – Marka Mas’uulku gudan waayo Mas’uuliyaddiisa.

La Paz (Himilonetwork) – Inta badan dalalka, waddada kaliya oo shacabku ku ciqaabi karaan siyaasiyiinta iyo shaqaalaha rayidka xil-gudasho la’aantooda, waa inaysan siinin codkooda doorashada xigta, balse dalka Bolivia waxay leeyihiin hannaan lagu magacaabo ‘cadaaladda bulshada’ ama ‘socil justice’. Dadka ku nool San Buenaventura, oo ah magaalo yar oo ku taalla waqooyiga dalka Bolivia, ayaa dhawaantan ka faa’iideystay xuquuqdooda dastuuriga ...

Read More »

Muslimiinta Ruushka oo kor usii dhaafaya 25 milyan.

Jejniya (Himilonetwork) – Taniyo bartamihii qarniga 7aad oo ah markii ileysku gaaray gobalka Caucasus, Islaamku wuxuu si xawli ah ugu fiday dhulweynaha Ruushka – isaga oo maraya wax ka badan 25 milyan oo Muslimiin ah inay ku nool yihiin. “Muslimiintu waxay dalka soo galeen 22 sano kadib geeridii Suubanaha NNKH,” Muftiga Ruushka, Sheikh Rawil Gaynetdin ayaa u sheegay Anadolu Agency. “Waxay kasoo ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!