Dubai (Himilonetwork) – In ka badan 3000 oo qof oo ka kala soo jeeda 69 dal oo dunida oo dhan ah ayaa kusoo muslimay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay Hey’adda Dacwada ee n Dar Al Ber Society.
“KU dhawaad 2,785 kamid ah waxay kusoo muslimeen xarunta hey’adda ee Dubai – halka inta kalana ay kusoo muslimeen e Ras Al Khaimah,” ayuu yiri  Rashid Al Junaibi, oo agaasime ka ah hey’adda.
Hey’adda Dacwada ayaa la aas’aasay sannadkii 1978-kii si loo iftiimiyo fahamka Islaamiga ah ee dunida iyo kaalinta diinteennu ku leedahay horumarka iyo ilbaxnimada adduunka.
Barnaamijyada xarumaheeda kala duwan laga baahiyo waa kuwo u furan dhammaan lab iyo dhedig walba oo xiiso u qaba fahamka Islaamka.