crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Cajiib – Dhaqaatiir iska diiday in Mushahar kordhin loo sameeyo. | HimiloNetwork

Cajiib – Dhaqaatiir iska diiday in Mushahar kordhin loo sameeyo.

Quabec (Himilonetwork) – Dhaqaatiirta dalka Kanada waxay la tahay inay helaan mushaar ka badan inta ay u baahan yihiin.
In ka badan 600 oo dhaqaatiir iyo isugu jira ardayda barata caafimaadka ayaa saxiixay warqad ka-dhan ah mushaar kordhin loo sameeyey.
Iyaga oo tix-gelinaya xaaladda adag oo ay kula dhinac shaqeeyaan shaqaalaha kale ee caafimaadka, waxay tallaabadani ku tilmaameen mid argagax leh.
“Tani waxay dhaawacaysaa moralka iyo hannaanka wada-shaqeyn ee inagala dhaxeysa shaqaalaha caafimaadka sida kalkaaliyaasha,” ayaa lagu yiri warqadda ay saxiixeen. “Waxaa sidoo kale muhiim ah inaan fiiro gaar ah u yeelanno qoondada daryeelka bukaannada oo dowladdu ay wax ka dhintay taas oo bukaannada ku adkeynaysa inay iska bixiyaan lacagaha loogu qabto adeegga caafimaadka.”
Dhaqaatiirta caafimaadka dalka Kanada waxay dakhli dhan $260,924 u helaan mushaar sannadkiiba.
Waxay dowladda ugu yeereen in – beddelkii ay mushaharkooda kordhin lahayd – ay qoondadaas u adeegsato hannaanka caafimaad ee gobalka Quebec, dalka Kanada.
Dunida aynu og nahay in dhaqaatiirtu mudnaantooda siiyaan sidii fiiro gaar ah loogu yeelan lahaa adduunka ay ku shaqeeyaan, tallaabadani waxay dunida u dhigaysaa cashar cusub oo Insaaniyad ku saabsan.
Sida kaliya oo aan ku hubsan karno in caafimaadka bulshadeennu uu ku hagaagana, waa helidda dhaqaatiir aan cilmiga ay ku badbaadinayaan qofka insaanka aan lacag adduun ku qiimeynin.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!