crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Ruushka oo kor usii dhaafaya 25 milyan. | HimiloNetwork

Muslimiinta Ruushka oo kor usii dhaafaya 25 milyan.

Jejniya (Himilonetwork) – Taniyo bartamihii qarniga 7aad oo ah markii ileysku gaaray gobalka Caucasus, Islaamku wuxuu si xawli ah ugu fiday dhulweynaha Ruushka – isaga oo maraya wax ka badan 25 milyan oo Muslimiin ah inay ku nool yihiin.
“Muslimiintu waxay dalka soo galeen 22 sano kadib geeridii Suubanaha NNKH,” Muftiga Ruushka, Sheikh Rawil Gaynetdin ayaa u sheegay Anadolu Agency.
“Waxay kasoo galeen magaalada Derbent ee koofurta Dagestan. Waana meeshii ugu horreysay ee laga yeeriyo Aadaanka Salaadda.”
Marka loo eego Muftiga, tirada Muslimiinta Ruushka ayaa kobcayay muddo badan sababo dhowr ah oo ay kamid tahay tirada dhalmada haweeneyda Muslimadda ah oo aad uga badan diimaha kale iyo sidoo kale imaanshaha Muslimiin ka socda Aasiyada dhexe.
Hadda Muslimiintu waxay ku badan yihiin caasimadda Moscow iyo magaalooyinka waaweyn sida; St. Petersburg iyo Yekaterinburg.
Waxaa sidoo kale jira tiro badan oo Muslimiin ah oo ku sugan  Tatarstan, Bashkortostan, iyo Jamhuuriyadda North Caucasus.
Badi Muslimiinta Ruushka waa Sunni Hanafi u badan iyo in kale oo Shaafici ah. Waxaa sidoo kale jira in yar oo Muslimiin Shiico ah oo ku nool magaalooyinka.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!