crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> FIFA oo soo dhaweyn fiican u sameynaysa Taageerayaasha Muslimiinta ee Koobka Adduunka 2018. | HimiloNetwork

FIFA oo soo dhaweyn fiican u sameynaysa Taageerayaasha Muslimiinta ee Koobka Adduunka 2018.

Moscow (Himilonetwork) – Xilli la filayo in 100,000 oo Muslimiin taageerayaal ah ay isugu yimaadaan qabashada Koobka Adduunka ee lagu qaban doono dalka Ruushka, FIFA ayaa qorsheyneysa in qeybtaas kamid ah bulshada jecel kubadda cagta ay arkaan meel baahiyahooda ruuxiga ah loogu oofiyo sida helidda cunno xalaal ah, goobo lagu dukado iyo gooreynta waqtiga ugu habboon oo ay ku gudan karaan salaadooda.
“Diintaydu waa qeyb kamid ah noloshayda, qof kasta oo i ogna wuu garanayaa inaan ahay qof Muslim ah,” Xog-hayaha FIFA, Fatma Samoura,  oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Senegal ayaa u sheegtay saxaafadda.
“Sannadkan waxaa tartanka ku jira toddobo dal oo Muslimiin u badan, waana muhiim inay dareemaan mudnaanta ugu sarreysa maadaama ay kusoo aadayaan xilli ay sooman yihiin bisha Ramadaan.”
Toddobada dalka ee tartanka ku jira waxay kala yihiin; Saudi Arabia, Egypt, Morocco, Iran, Tunisia, Senegal, iyo Nigeria.
Kooxaha ka socda dalalkan qaarkood ayaa goor hore diyaarsaday xarumihii ay ka degi lahaayeen dal-weynaha Ruushka, sida xulka Masar oo degaan ka dhigtay Jamhuuriyadda Jejniya oo Muslimiintu ku badan yihiin.
Koobka Adduunka ayaa markiisii 21aad ku qabsoomaya dalka Ruushka inta u dhaxaysa 14 June ilaa 15 July 2018.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!