crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Naqshadeeyaha Marada Madow ee Kacbada ku dadan. | HimiloNetwork

La kulan – Naqshadeeyaha Marada Madow ee Kacbada ku dadan.

MAKKA (Himilonetwork) – Mokhtar Alim Shaqdar waa naqshadeeyaha ama farshaxamiistaha rasmiga ah ee Kiswa – oo ah marada madow ee lagu dado Kacbada Barakaysan. Shaqdar wuxuu shaqadan kala wareegay Abdulraheem Bokhari, oo sanadkii 1996-kii ku dhintay da’da 90-jirka.
Shaqdar wuxuu ku biiray dugsiga lagu barto farshaxanka Masjidka Weyn sannadkii 1978-kii halkaas oo uu laba sano ku qaatay ku taqasuskeeda. Waqtigaas wuxuu ku jiray heerka hoose ee wax-barashada aas’aasiga.
Kadib markii uu dhammeeyey marqaatigiisa BA ee kulliyadda wax-barashada, Shaqdar wuxuu ku shaqeeyey sida macalin dhiga cilmiga farshaxanka muddo 20 sannadood ah dhowr meelood oo ay kamid tahay Jaamacadda Umm al-Qura.
Shaqdar wuxuu marqaatiga labaad ee master degree ka heystaa culuumta farshaxanka, wuxuuna ka dhigaa Qur’anka Masjidka Weyn.
“Mid kamid ah macalimiintayda ayaa igu dhiirri-geliyay inaan ku biiro Warshadda Kiswa, waxaana kamid noqday sannadkii 2003. Waxaan soo kordhiyay fikradda ah in farshaxanka Kiswa – marada Kacbada – loo adeegsado qaab kombuyuutaraaysad ah. Dhammaan maryaha kasoo muuqanaya Kacbada waxaa iska leh Bokhari. Aniga waan naash-naashay oo kaliya,” ayuu yiri.
Dadka qaar waxay u maleynayaan in aayadaha Qur’anka ee ku qoran marada Kiswa ay yihiin kuwo cusub sannad walba. Hayeeshe Warshadda waxaa u diyaarsan kuwii ay isticmaali laheyd mustaqbalka.
Waxaa jira weji kala duwan oo qoraalladani soo maraan. Ugu horreyn waxaa lagu qoraa gacanta kaddibna waxaa lagu farsameeyaa hab kombuyuur ahaan ah.
Tiknoolojiyaddu waxay aad Warshadda uga caawisay inay u keydiso xoga muhiim ah oo kol hore lumi lahaa.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!