crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 05 October – Maalinta Macalinka Adduunka. | HimiloNetwork

05 October – Maalinta Macalinka Adduunka.

Muqdisho (Himilonetwork) – Maalinta Caalamiga ee Macalinkan waxaa loo dabaal-degaa 5 bisha October sanad kasta taniyo sanadkii 1994-kii si loo  weyneeyo doorka ay horumarinta bulshooyinka kaga jiraan.
Xuska sanadkan waxaa hal-ku-dheg ahaan loo qaatay: Tacliin xurnimo leh iyo xoojinta awoodda macalinka, waxayna tani daba soctaa halku-dheg sanadkii 2015 la qaatay oo ahaa hiigsiga cusub ee horumarin joogto ah. Si kale marka loo yiraahdana, hal-ku-dhegu waa qiimeynta baraha iyo kobcinta heerkiisa aqooneed.
Maalinta waa maalin la is xusuusiyo doorka macalinku ku leeyahay mujtamaca mana ahan maalin fasax oo shaqooyinka laga nasto. Maalintani waxaa sidoo kale waqtiyo kala duwan gooni-gooni looga kala xusaa dalalka qaar ee dunida. Tusaale ahaan 21 November sanad kasta, Soomaaliya waxaa looga dabaal-degaa Maalinta Macalinka Soomaaliyeed.
Maalinta Caalamiga ee Macalinka waxaa si sanadle ah looga dabaal-degaa dunida taas oo isku keenta dowladaha iyo ururrada caalamiga ah. Iyada oo macalimiinta loo aqoonsadayy awoodda kaliya ee lagu gaari hiigsiga 2030 SDG, waxaa jira dadaallo lagu doonayo in sarae loogu qaado heerka aqooneed ee barayaasha iyo wajihista caqabadaha horyaalla oo xagal-daacin ku sameyn kara hab-sami-u-socodka howlgalkooda sida tira-yarida barayaasha.
Xaqiiqdii marka loo eego Machadka Istaatikada UNESCO, dunida waxay u baahan tahay 69 malyuun oo macalimiin ah haddii la doonayo in lagu guuleysto hiigsiga horumarineed ee dugsiga dhexe iyo kuwa sare ee dunida sanadka 2030-ka. Machadku wuxuu sii tilmaamay in dalalka dunidu ay u baahan yihiin howl-gelinta iyo shaqaaleysiinta 12.5 malyuun oo barayaal dugsiga hoose ah si hiigsiga hadafka uu u miro-dhalo.
Waxaa jira 29 milyuun oo macalimiin dhigta dugsiyada hoose. Walina waxaa loo baahan yahay tiro intaas ka badan.
Celceliska macalinku uu sanadkiiba shaqeeyo waxaa lagu sheegay inay dhan tahay 786 saacadood oo ay fasallada kula jiraan ardaydooda.
Kuur-gal baaritaan oo ay sameysay Gates Foundation ayaa lagu sheegay in lacagtu aysan ahayn 10-ka asbaabood ee ugu sarreysa oo macalimiintu shaqadooda ugu heelan yihiin. Mid kamid ah asbaabaha waxaa lagu tilmaamay sameynta is-bedel ay rabaan inay ku bedelaan bulshooyinkooda.
Mid kamid ah farriimaha quruxda leh ee Maalinta lala wadaago barayaasha waa: Hal macalin iyo badweyn arday ah, waxaadse hubsanaysaa in mid kasta oo innaga mid ah uu dareenkaada haleelo.
Qiimeynta Maalintan iyo maalmaha kale ee la halmaala waxaa xaqiiqo ah in dunida aysan u wada sinneyn balse ay u kala dhow dahay. Shakina wuxuusan ku jirin in dunida sida qotada dheer ula fal-gasha muujinta waxa uu baruhu ka dhigan yahay ay tahay midda ugu horumarka fiican dadyowga.
Dalalka Switzerland, Holland, Jarmalka iyo Belgium ayaa ah kuwa Yurub ugu sarreeya mushaharka macalimiintu helaan. Dunida oo dhanna, Kuufur Kuuriya ayaa soo galaysa booska saddexaad. Waxayna booska afaraad u dirtay Maraykanka. Sidaas awgeed, Siyool waxay xittaa majaalka xisaabaadka iyo fiisigista kaga horumartay Washington.
Dalka Jarmalka, macalimiintu waa kuwa ugu dakhliga badan shaqaalaha. Markii qareennada, dhaqaatiirta iyo injineerradu dalbadeen inay la sinnaadaan, hoggaanka Jarmalka, Angela Markeal waxay ugu jawaabtay sideen idin la simaa kuwa idin kaba wax idin soo baray?!
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!