crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xanuun la-yaab leh ayaa sanka ka hayay muddo 37 sano ah. | HimiloNetwork

Xanuun la-yaab leh ayaa sanka ka hayay muddo 37 sano ah.

MUQDISHO (HN) — Kadib xanuunka dhinaca midig ama duleelka midi gee sank aka hayay muddo dheer, haweney u dhalatay dalka New Zealand ayaa la yaab ku noqotay in sankeedu uu ku dhex jiray cad yar oo furka gajaclaha ah muddo 37 sano ah.

Mary McCharthy oo ku nool Christchurch waxaa marwalba xanuun ka heyn jiray duleelka midig midi gee sanka kaas oo xattaa inay neefsato u diidanaa kaddib marki iyada oo yar uu ka dhex galay caag yar furkiisa laakiin marnaba iskuma taxalujin inay dhaqtarka aado. Hayeeshe, Oktoobartii hore mar ay maraysay tijaabada caafimaad ee xanuunka Covid-19 xaaladda sankeedu wuxuu gaaray meel halis ah. Xanuun aad u daran oo kusii daba dheeraaday kaddib waxay go’aansatay inay dhaqtarka aado.

Dhaqtarka ayaa waydiiyay haddii wax dhex jiifaan sankeeda oo neefsiga u diidaya. Su’aashaasi waxay ku xusuusatay dhacdo yaraanteedii ay la kulantay xilli ay la ciyaaraysay toddobo walaalaheed ah – iyaga oo sankooda gelgelinaya furarka caagadaha kaddibna is weydiinaya qofkooda ugu fiican ee xoog uga soo tuuri kara sanka gudihiisa furka dhex yaalla.

Laakiin waxay ogaatay in furku uu gudaha usii daadegay kuna xayirmay danbeedka duleelka sanka. Cabsi carruurnimo awgeed ayay markii dambe go’aansatay inaysan la wadaagin waalidkeeda. Markii dambana iyada ayaaba iska hilmaantay.

Baaritaanka dhaqtarka ayaa ugu dambeyn caddeeyey in wixii xanuun ahaa eek a hayay sanka uu sababteeda lahaa furkaas yar kaas oo markii dambe laga soo saaray.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!