crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Habka Ganacsiga Online-ka ahi uga jiro Muqdisho. | HimiloNetwork

Habka Ganacsiga Online-ka ahi uga jiro Muqdisho.

MUQDISHO (HN) — Hal maalin iyada oo gacanta ku haysa funaanad looga dhiibay dibadda ayay Faadumo  Abdishakur dareentay sida asxaabteedu ay u daneynayaan helidda mid lamid inay helaan funaanadeeda. Waana halka uu kasoo bilowday safarkeeda ganacsi.

“Madaama inta aan laga heli Karin dadkuna ay baahi ka muujiyeen inay helaan, waxaan go’aansaday inaan anigu soo-dejiye ka noqo kana ganacsado,” ayay tiri.

Maanta marwalba oo ay dib u eegto sida uu bilowgu ahaa waxay ka mahdisaa sida ay ugu soo dhabar-adeygtay. Laakiin waa mid ay ku taami jirtay iyo riyo ugu dambeyntii u rumowday.

“Waagii aan bilowga jaamacadda ku jiray Ayaan ku taami jiray sidii aan mar un u hirgelin lahaa hamigayga,” ayay tiri. “Laakiin fikirkaygii wuxuu ugu dambeyntii dhalay ficil muuqda,”

Faadumo waa mid kamid ah tiro aan qiyaas sugan laga sheegin oo hablo iyo inamo isugu jira kuwaas oo qeyb ka ah ganacsiga online-ka lagu kala iibsado badeecada kaas oo si weyn dhawaanahan uga hirgalay Somaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

In lagu dhiirrado adeeg online lagu kala qaadanayo dunida casriga ah wuxuu ka yahay sumadda lagu baadisooco ilbaxnimada iyo horumarka qarniga 21aad. Hayeeshe, Somaaliya oo aanu ka jirin heykal dowladnimo oo kaabayaasha nolosha maareeya, da’yar badan waxay kama iyo ku tala-galba ugu dhiirradaan inay bixiyaan adeegaas iyada oo aanay ka dahsooneyn caqabadda iyo la-qabsiga gaheyrka ah ee bulshada xageeda uga imaan kara.

Ka Faadumo ahaan, caqabadaha ay la kulantay waa dhowr. Hayeeshe, hadda waxa ugu adag oo ay la tacaasho waa sidii ay isku waafajin lahayd baahida iyo baahinta ama gaarsiinta.

“Wallaahi ma sahlana; dadku aalaaba nuucay ka rabaan iyo cabbirka isma waafaqaan; marka in laguugu soo celiyo haddana aad dib ugu celiso waa meertada shaqadayda,”

Hayeeshe, caqabadahani uma muuqdaan kuwa is hortaagi kara hal-abuurkeeda iyo hanka ku jira hadda iyo mustaqbalka. Hiigsigeeduna ma ahan mid dhow.

“Qorshahayga kumaba jirto inaan isaga haro; inaan kasii horumaro halka aan maanta joogo mooyee wax badan inaan soo kordhiyo ayaa hamigaygu yahay timaadada dhow.”

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: zakariya@himilonetwork.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!