crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Laamiyada la-dayacay! | HimiloNetwork

Laamiyada la-dayacay!

MUQDISHO (HN) — Yaa la yaabi kara muuqaalkan iyo kuwa lamidka ah ee ka jira jidadka iyo laamiyada caasimadda Muqdisho?! Marwalba oo roobabku ka da’aan waa iska caadi inay biyuhu fariistaan waddooyinka halbowlaha u ah isku socodka magaalada.

Kanina waa muuqaal dhawaanahan aad u qabsaday baraha bulshada kaas oo qeyb ahaan muujinaya xil-iska saarid la’aan iyo mas’uuliyad xumo maamulo. Wuxuuna geesta kale soo saaray xaddiga uu la’eg yahay biyaha roobabka marka ay ku da’aan laamiyada.

Masjidka oo aanu ugu magac-darnay Ayaan-Daran wuxuu dhinac ku hayaa waddadan dheer ee Danwadaagaha ee is-goyska Zoobe ka timaada.

Hareeraha dhinacyadiis waxaa fadhiya biyaha roobabka dhawaanahan ka da’aya Muqdisho kuwaas oo ciriiri aan yareyn ku keenay isku socodka gaadiidka dadweynaha ee adeegsada.

In yar ayaa ku dhiirata inay maraan biya-fadhiisadka. Madaama ay og yihiin in dhinacyada ee laamiga ay jabeen, waxay ku maraan miirqab iyo xilkasnimo.

Inta kalana ka barduumeysiga jidadka xaafadda ku teedsan laamiga waa xalka iyo xulashada qura oo ay awoodi karaan. Gaadiidka u badan mooto bajaajyada ayaa joogto u adeegsanaya si aysan ugu ajarmin halista uga imaan karta dhex qaadista biyaha.

Waxaa yaabka leh ayaa ah in subax walba halkan ay yimaadaan qolada canshuuraha u qaabilsan dowladda hoose ee Xamar kuwaas oo gaadiidyada ka hubiya shatiga kuwa isla goobta uga qaada lacagta canshuurta.

Babuurta ayaa si kastaba ogsoon inaysan jirin tallaab ay u qalmeen ka muwaadin ahaan oo xagooda loo soo qaaday. Sidaas darteed ay ku qasban yihiin inay isku dhinac dhaafaan jidadka ciriiryoon ee xaafadaha. Jaamkuna wuxuu noqonayaa lama huraan iyo joogto har iyo habeen ay wajahaan. Waxay aqbaleen lama-aqbalaanka si ay ula kulmaan baahida ay u qabaan inay shaqeystaan. Marwalba oo aad si dhow ugu fiirsatana, kama arkaysid wax aan ka ahayn rejo. Qaamuuskana uguma jiro kalmada laguma shaqeyn karo sidaan.

Waxaa kale oo mararka qaar dhacaysa in loo diido maritaanka jidadka qaar kuwaas oo aad arki karto teedad ama dhagxaamo lasoo dhoobay si aan looga soo gudbin.

Waxay u badan tahay inaanu gobalka Banaadir moogeyn dhibta ay ku jiraan shacabka. Waxaana iska cad inaan qorshe muuqda oo xal loogu raadiyo mushkiladan soo rakaadmaysa goor walba oo xilliyada roobka la gaaro aysan jirin.

Dhif iyo mar la’arag waxaa ah gaadiid booyado ah oo loo soo diro waddooyinka biyuhu fariistaan si looga dhuuqo. Hayeeshe, saacado xiriir ah kaddib waxay ku noqotaa isla sidii ay ahayd in yar kahor.

Laakiin tallaabadani in badan iskuma haleeyaan. Filashada ay ka qabaan maamulkana ma buurna. Halisaha ama culeyska isasoo tari kara haddii aan xal degdeg iyo joogto ah loo helin biyaha fadhiista waddooyinka waaweyn ee Muqdisho siiba is-goyska Ceel-qalow, way badan yihiin.  Xalkuna waa eber.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: zakariya@himilonetwork.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!