MUQDISHO (HN) — Haweeney Shiinees ah ayaa lagu qasbay inay been ku maaweeliso ayeeyadeed oo xattaa ay qof shaqadaas u qabta u kiraysatay muddo 13 sano si aysan qalbigeeda u dhaawicin.
Runtu waa lama huraane. Haweeney ayaa dhawaan qiratay inay been u sheegi jirtay ayeeyadeed madaama ay ogeyd inay runta oo ay u sheegtaa ka dhalan karo xaalad qalbi jab leh. Cheng Jing, oo ah 46 jir ku nool Xian waxaa dhawaan geeriyooday ayeeyadeed iyada ooo 100 jir ah. Waxayse mudo saddex iyo toban sano ah si weyn ugu dadaashay inay ayeeyadu aaminto in gabadheeda aysan dhiman oo ah Jing hooyadeed sannadkii 2003.
Laakiin ogaanshiyaha inay xaqiiqdaasu dhaawici karto qalbigeeda waxay qof u cod eg hooyadeed u kiraysatay si uu ayeeyadeed ula soo hadlo marwalba.
Jing hooyadeed oo la yiraahdo Cheng Congrong, iyo ayeeyadeed waxay ahaayeen dad isku dhow, laakiin hooyada waxaa ku dhacay kansarka sambabada waxayse ku dadaashay inaysan ayeeyadu marnaba ogaanin geerida gabadheeda. Hooyada ayaa kahor inta aysan dhiman ilmaheeda kala dardaarantay inaysan la wadaagin geerideeda, waxayna u duubtay codadkeeda.

Si ay balankaas u oofiyaan ayay iyaguna ku dadaaleen inaysan marnaba dhaawicin qalbiga ayeeyadood. 13 sano oo ay ka dambeysay geerida hooyadeed, maalinna lama dareensiin in gabadheedu aysan nooleyn.
Madaama codadkii ay hooyadood duubtay aysan muddo badan sii shaqeynin waxaa dhacday inay qof meteli kara codkeeda kirayso si ay ayeeyo ula hadashiiso. Laakiin taasi ugu dambeyntii ma noqon mid shaqeysa waxayna ayeeyadu garatay inay wax ka qaldan yihiin codka inanteeda.
Isku day walba oo ay sameysay uma suuragalin inay ku qanciso ayeeyadeed in codka la hadlaya ay tahay hooyadood iyo gabadhii ay iyadu dhashay. Ayeeyada ayaa sidoo kale is weydiisay sababta aysan gabadheedu usoo booqan muddada intaas la’eg laakiin waxaa haddana la isku dayay in lagu qanciyo in qaliin lagu sameeyey awgeed uu u diiday inay meel dheerdheer u baxdo.
Chen Jing ayaa saxaafadda u sheegtay dhawaan iyada oo ooynaysa in hooyadeed ay ahayd gabadha iyo ubadka kaliya oo ay ayeeyadeed dhashay – sidaas darteedna ay ka baqeen inay runta kala hortagaan una caddeeyaan inay hooyadood dhimatay 13 sano kahor.
Sheekadan ayaa aad ugu dhex faaftay baraha bulshada Shiinaha.
You must log in to post a comment.