crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sheekada Ninkii Saddex Xaas Mar-kaliya wada guursaday! | HimiloNetwork

Sheekada Ninkii Saddex Xaas Mar-kaliya wada guursaday!

MUQDISHO (HN) — Mohamed Ssemanda oo u dhashay dalka Uganda wuxuu ahaa 50 jir sannadkii 2018-ka markii uu qabsaday hadalheynta dalkiisa kaddib kolkii uu saddex haween ah ku guursaday madal qura iyo xaflad kaliya. Waayo ma uusan awoodin inuu midba gaarkeeda u arooso.

Degaanka Katabi ayuu Ssemanda ka ahaa qudaar iibiye markii uu dunida kaga yaabsaday guursiga saddex haween ah mar kaliya kuwaas oo iyaga oo xiran dharka aroosyada goob qura kasoo wada muuqday. Wuxuu u sheegay warfidiyeenka inay xaasaskiisa ay ogaayeen heerka dhaqaalihiisa oo ay aqbaleen inuu mar qura wada arooso. Wuxuu tilmaamay inaysan ooriyaalkiisu ahayn kuwa hinaase badan isaguna uu si adag u shaqeyn doono si uu mas’uuliyaddooda uga soo baxo.

Xaasaskiisa oo kala ahaa Salmat Naluwugge, oo 48 jirtay; Jameo Nakayiza oo 27 jir ahayd iyo Mastulah Namwanje oo ahayd tan ugu yar oo jirtay 24 sano waxay u muuqdeen kuwa ku faraxsan dangalanimada ay mar qura wada noqdeen.

Xaaska hore waxay Ssemanda is qabeen muddo 20 sano ah laakiin waxaa guurkeeda lagu cusboonaysiinayay madasha waxayna u dhashay shan carruur ah. Labada kale ayaa ahaa walaalo sidoo kale. Waxayna soo mareen guurar hore oo ay ilmo kusoo dhaleen.

Sheekada oo aad ugu baahday baraha bulshada Uganda ayaa la timid fal-celino kala duwan oo qaar badan ay ku sheegeen inay tahay habka ugu fudud ee lagu keydsan karo lacagta laguna helo guurar xalaal ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!