crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wax ka baro Layaabka DEERADA! | HimiloNetwork

Wax ka baro Layaabka DEERADA!

Muqdisho (Himilonews) – Jaad ugaarta kamid ah oo yaryar oo dheereeya: dhabar iyo caloosha dalliigtimo balaaran oo madow bay ku leedahay. Raxan ayayna waligeed isku raacdaa. 
Deerada ku nool Aasiya keeda lab kolay yar oo uurkiisa ku jira ayaa-haraga hoostiisa-ayaa laga sameeyaa Miskiga udgoonka badan. 
Deeradu ama Eeladu waxay deegaan u leedahay: bananka, iramada iyo duudaha. Deeradu waa tan ugu tab ama xeelad badan ugaarta. 
Labkiisa waxaa la yiraahda Deer. Halka tan dhedigta ahna lagu magacaabo Deero. Deeradu, sida Cawsha, ayay idaha mar la dhashaa. 
Deerada meel wada joogta ama kob wada daaqaysa waxaa loo yaqaan Wadar Deero ah. 
Xigasho–Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan “Hiraal.”
F.G: Warbxinada ku saabsan ugaarta ee laga soo xiganayo buugga Duur-joogteenna waxaa xaq-dhowrkooda asal ahaan u leh mareegta Dharaaro.com, sanadkii 2013–halkaas oo uu ku qoray al-Ustaad Boobe Yuusuf Ducaale. Isaguna, sida uu sheegay wuxuu xaq-dhowrkooda u tiiriyay Abwaan Xabad Ibraahim AUN. 
Isha: Himilonews.c0m
Nagala soo xiriir: Himilonews.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!