crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Baro Nolosha Sagaarada | HimiloNetwork

Baro Nolosha Sagaarada

Muqdisho (Himilonews) – Sagaarada oo ku dhaqanta Sudaha iyo Duudaha, midkeeda labka ah waxaa lagu magacaabaa Atoor. Teeda dhedigta ahna waxaa la yiraahdaa Yac. Sagaarada markay yaryar tahay waxaa loo yaqaan Biiq-sagaaro.
Sagaaradu waxay isku raacdaa laba-labo. Waxay dhashaa Kaliisha. Kaliishu waa xilliga kulul ee roobka kasoo hormara; ama xilli roobaad.
Golcas, Guun iyo Sandheer-cawlo waa saddex jaad oo Sagaarada loo qeybiyo.
Waxaa jira saddex siyaabood oo lagu qabto Sagaarada kuwaas oo ah:
  1. Inaad xilli kulul eryato.
  2. Inaad toosh ku ifiso–gaar ahaan xilli gudcurka.
  3. Inaad siriq ama dabin u dhigto.
Hal-ku-dhigyadii laga yiri Sagaarada waxaa kamid ah:
  1. Harag Sagaar iiga kac mooyee, iiga durug malahan.
  2. Sagaaro intay tub joogtay tub kale dayataa.
  3. Sagaaro labo cad oo lakala qaado maleh.
  4. Meel Aar ka kacay buu Atoor farfariistaa.
  5. Sagaarooy waxaad la orodaba ma labada addinbaa?!
  6. Sagaaro dud mooyee, dareen iskuma kordhido.
  7. Atoor Sagaar intiisa ayuu guun ku yahay.
  8. Atoor Sagaar iyo oday koofureedba habar baa u talisa!
Xigasho–buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan Muhumed “Hiraal.”
Ereyada qaar ee aan hubno inay kugu adag yihiin, fadlan aqriste, ka raadso qaamuusyada afkeenna sida kii la qoray 1976–ee Keenadiid iyo midka dhawaan Jabuuti lagu qoray.
F.G: Warbxinada qaar ee ku saabsan Sagaarada waxaa asal ahaan xaq-dhowrkeeda iska leh mareegta dharaaro.com–halkaas oo uu dhigay al-Ustaad Boobe Yuusuf Ducaale. Isaguna wuxuu maamuuskeeda u tiiriyay AUN Abwaan Xabbad Ibraahim.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!