crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gabar Muslimad ah oo kutub-Qur’aan ku dhaaratay halkii kutubka Bible-ka laga filayay | HimiloNetwork

Gabar Muslimad ah oo kutub-Qur’aan ku dhaaratay halkii kutubka Bible-ka laga filayay

Muqdisho (Himilonews) – Haweeney Muslimad madowga Maraykanka kamid ah ayaa ku dul-dhaaratay Kitaabka Qur’aanka xilli ay taagneyd xeer-beegti ku taalla New York. 
Marka loo eego mareegta Express Tribiune–halka ay asal ka tahay xeer-beegtiyada Maraykanka in lagu dul dhaarto Bible-ka, gar-yaqaanad Carolyn Walker waxay dhaarteeda ku dul sameysay kitaabka Qur’aanka.
“Aniga oo ah gar-yaqaan Carolyn Walker waxaan si cad u caddeynaya inaan si qoto dheer u taageeri doono dastuurka USA iyo xeerka goboleed ee New York, sidaas darteed Ilaahayow igu garab-gal,” ayay Express Tribiune soo xigatay iyada oo dhahaysa kuna dul dhaaraneysa kitaabka Qur’aanka. 
Marka loo eego warbixinta, muuqaal laga sameeyey dhacdada taas oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa dhalisay dhaleeceyn–halkaas oo muwaadiniin badan oo Maraykan ah ay ku sheegeen inay gar-yaqaanadu dharbaaxo kulul la dhacday wajiyada Ameerikaanka. 
Jeer iyo hadana, qaar ayaa ku tilmaamay tani inay tahay tallaabo lagu daray dastuurka Maraykanka.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!