crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Baro Dal–si uu is-dilka u yareeyo–arin la yaab leh tijaabo-galinaya! | HimiloNetwork

Baro Dal–si uu is-dilka u yareeyo–arin la yaab leh tijaabo-galinaya!

Muqdisho (Himilonews) – Kahor-tagista tirada dadka is-dila oo kusii badanaya awgeed, dalka dhaca bariga fog ee Aasiya wuxuu markii ugu horreysay bilaabay inuu meyd-iska-dhigid ku tusaaleeyo xanuunka dhimashada is-dilka ah –taas oo albaab cusub u fureysa inta qalal nafsi ah nolosha ku qaata. 

2  4 5 6 7 1

Dadku waxay dhex-fariisanayaan naxashyo “Coffins” yaalla xarunta lagu bogsiiyo–sida ay qabaan–dadka walaacsan ee is-dilka ku dhow. Qofku wuxuu matalayaa sida isaga oo meyd ah oo tacsidiisa loo fadhiyo. In cabbaar ah ayuu ku dhex jirayaa naxash-ka deedna, sida uu tilmaamayo wariye Huguier Francois, qaarkood waxay halkan ka tagaan iyaga oo waxoogaa fudeyd ah dareemaya. Shucuur iyo waaya’aragnimo qofeed oo ay ka bartaam kobtan ayuu tilmaamaya inay sal u tahay dareenkaas cusub. 
Marka loo eego weriye Francois, marar waxaa dhacda in rag iyo dumarba ay wada galaan naxashka kadibna lagu daboolo–waxoogaa goldaloolo ahna loo sameeyo si aanay ugu neef-qabatoon. 
Marka dib loo furo naxash-ka, fal-celinada ay sameeyaan way kala duwan yihiin sida uu tilmaamayo mar labaad Francois. Wuxuu yiri: “Qaarkood waxay soo kacaan iyaga oo ooynaya-qaar ayaa iska hurda: halka kuwa kalana ayba farxad iskasoo gooyaan,”
Waxaa kale oo jira kob sawirada looga qaado–iyaga oo sawiradaas lagala naxash-ka. Taas oo muujisa in-hadana la tuso sida loo tabo kadib geeridooda. 
Waxaa kale oo jira in–kob mugdi ah lagu shido shumacyo yaryar inta lagu jiro baroor-diiqda-tijaabada ah. Balse iyada oo tijaabooyinkaas oo dhami ay jiraan, hadana, sida uu mar labaad tilmaamayo Francois, tani mayareyn karto tirada dadka is-dila. 
Dalkan waa koofur Kuuriya oo kaalinta koobaad kaga jira heerka tiro ee dadka is-dila “suicide.” Hayeeshe, markii ugu horreysay taariikhda, tani waa xal ku cusub dunida ka baxsan midda Islaamka halkaas oo diin la’aantu ay sababayso in dadku badbaado ka raadiyaan meel aan Alle liibaan ku sheegin. 
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!