crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Da’yar Aragga la’ oo Afurinaya Barakacayaasha. | HimiloNetwork

Da’yar Aragga la’ oo Afurinaya Barakacayaasha.

MUQDISHO (HN) — Ma ahan shaqaale maqaayadeed. Mana joogaan goob xaflad ah. Waa da’yar samafalayaal ah oo sannadkii 4aad oo xiriir ah u midoobaya inay gargaar la gaaraan dadka barakacayaasha ah ee ku nool kaamaka magaalada si ay ugu afuraan.

Dalmar Caddow Maalin oo aan heysan nimcadda araggana wuxuu ka qeyb ka ahaa ol’olaha afuri walaalkaaga taniyo markuu soo bilowday.

“Waa sannadkii afaraad oo aan ka qeyb ahay mashruuca,” ayuu yiri.

Marka loo eego Dalmar, majiro sabab dadka naafada ah ka reebaysa inaysan u istaagin kaalmeynta iyo u gurmadka kuweenna danyarta ah.

“Maanta is-beddel weyn ayay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ka sameynayaan dhinacyada nolosha sida wax-barashada iyo shaqooyinka: waana lama huraan inay wax muuqda ku biiriyaan kaalintooda kaga aadan gurmadka dadka danyarta ah,” ayuu yiri.

Ku dhawaad 100-200 oo qoysas ayaa ka faa’iiday ol’olaha oo la kowsaday bisha Ramadaan. Sacdiyo Adan ayaana kamid ah.

“Sannadkii hore sidaan oo kale ma ahayn laakiin waan heli jirnay,” ayay tiri Sacdiyo oo muddo shan sannadood ka badan ku nool xerada. “Hadda bishan oo dhan halkan ayaa nalagu siiyaa; waana ka mahdinay.”

Isaga oo ay garbihiisa joogaan jaallayaashii ol’olaha, Axmed Sayid Cumar wuxuu sheegay in cidna aysan u maqneyn danyarta ceelna uusan u qodneyn.

“Abaaro ba’an baa ka taagan dalka,” ayuu yiri. “Barakacayaashana waa xilliga ay ugu baahi badnaayeen oo deymo gaar ah la siin lahaa wax u qabadkooda.”

Ka quuso inaad ka quusatid Soomaaliya. Waayo hurgamadii laga dhaxlay burburkii dalka waxaa beddelaya aayatiin qurxoon oo ay horseen u yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!