crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ciidsiinta Carruurta Naafada iyo Danyarta | HimiloNetwork

Ciidsiinta Carruurta Naafada iyo Danyarta

MUQDISHO (HN) — Saacado tirsamaya ayaa ka dhiman dhalashada Ciidul-fitriga. Carruurta aad ujeedaanna waxay ku jiraan diyaargarowgii kama dambeysta ahaa oo ay kaga qeyb noqonayaan farxadda iyo damaashaadka maalinta weyn.

Mahad waxay uga celinayaan kaalmada samafalayaal iyo aqoonyahanno isku tagay kuwaas oo sannadkii labaad suuragalinaya inay ciidsiiyaan ilmaha ay dhaleen qoysaska naafada ah ee qaarkood ku nool xerooyinka barakacayaasha.

Mohamed Abdisalaan Diiriye oo aan helin nimcada aragga – ahna aqoonyahan iyo samafale –  waa guddoonka hey’adda SODEC.

“Runtii waa xilli adag oo u baahan inaan la hilmaamin kuweenna danyarta: waayo farxadi ma dhammeystirna marba haddii ilmahan aysan asaagood la ciidi Karin,” ayuu yiri.

Dadka naafada ah ee ku nool kaamka ayaa ka warramay dareenkooda ku aadan deeqda ay ka haleen samafalayaasha.

“Ilmaheennu aad bay maanta ugu farxeen dharka ciidda ee loo iibiyay, farxadooduna waa farxadeenna,” ayay tiri Mama Nasra.

Ma ahayn oo kaliya naafada ku nool kaamamka kuwa ka faa’iiday ciidsiinta carruurtooda. Qaar kale sida Fartuun oo ah gabar nimcada aragga la’ balse wax-baratay ayaa kamid ah.

“Gabdhahaydu maanta waxay nasiib u yeelatay inay faceed la faraxdo, lamana qiyaasi karo farxadayda,” ayay tiri.

Iyaga oo ku labbisan dharka ay ugu diyaargaroobayaan ciidda soo aadan, qaar kamid ah carruurtan ayaa samfalayaasha uga mahadceliyay gurmadkooda.

“Way ku mahadsan yihiin Jaamacadda Plasma iyo hey’adda SODEC ciidsiinta ay noo sameeyeen,” ayay tiri Ina Bashiir. “Waxaan hadda kaddib sugnaaba waa innaga oo asaageenna farxadda ciidda kula soo dhaweyna si reynreyn leh,” ayuu sii raaciyay Abdiraxmaan.

Dhowr ol’olayaal kan lamid ah ayaa ka soconaya caasimadda dalka kuwaas oo lagu hubsanayo in carruurta danyarta ah iyo kuwa naafada ka qeyb noqoshadooda farxadda maalinta Ciidda. Hal-ku-dhegga Ciiddan ayaana loo qaatay Ciid iyo Farxad loo dhan yahay.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!