crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gudaha Suuqa Hubka Carruurta. | HimiloNetwork

Gudaha Suuqa Hubka Carruurta.

MUQDISHO (HN) — Waa wiil yar oo cabbeysanaya biskoolad uu doonayo inuu ku dagaal-galo. Halkanina waa gudaha mid kamid ah suuqyada caasimadda ee lagu iibiyo hubka macmalka ah oo ay carruurtu ku diriraan.

Dhowr nuuc oo isugu jira qoryaha culus iyo kuwa darandooriga u dhaca ayaa safan miisaska. Laakiin waxyeellada qura oo ay hubkani geysan karaan waa baqa-carar mala-awaal ah iyo beegsi ku eg isku taagtaagida laba qori.

Dhawaqa gumaca rasaasta marka aad maqashid waxaad moodaysaa inay tahay mid dhab ah. Waase dhalanteed iyaga siinaysa awood qof ahaaneed oo looga heybeysto.

Sannad kasta qoryo cusub ayaa la keenayaa dalka si ay carruurta Soomaaliyeed ugu ciidaan. 30-kii sannadood ee lasoo dhaafay, agabyada lagu ciido ayay qeyb ka yihiin hubabka iyo gaadiidyada dagaalka.

Waxaana ay saadaal aan wacneyn ka sheegeysa masiirka jiilka maanta hana-qaadaya kuwaas oo tagtadii hore si ficil ah u metela xattaa xilliyada ciidaha oo ay habooneyd inay ku maaweeloodana wax anfaaco u leh noloshooda.

Culimadeenu aad bay uga deyrinayaan mustaqbalka ubadkeenna ku hana-qaadaya marxaladda. Waxayna soo jeedinayaan habab kale oo ka duman oo lagu maaweelin karo.

“Waxaa jira doorasho badan oo loo abuuri karo carruurteenna oo ka fiican hubka iyo walxaha aan maskaxdooda u rooneyn,” ayuu yiri.

Soomaaliya laga yaabee inay kabogsaneyso hurgumadii laga dhaxlay dagaalladii sokeeye, waxayse ciid walba marka la gaaro ay ku xusuustaan muuqaallada carruurta ku hubeysan kuwaas oo mararka isku dabsaara waddooyinka xaafadaha.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!