crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shirkad si la yaab leh ku tijaabinaysa heerka nadaafaddeeda! | HimiloNetwork

Shirkad si la yaab leh ku tijaabinaysa heerka nadaafaddeeda!

China (Himilonetwork) – Muuqaal fiidiyow oo aad ugu baahay baraha bulshada Shiinaha ayaa sababay in la isku maan-dhaafo.
Muuqaalka ayaa muujinaya maareeye shirkad oo bariis loo ekeysiiyay kubbad ku ridaya meesha lagu kaadiyo. Kadibna waxay ku wada qoynaysaa kaadida kahor inta aysan cunin bariiskii lagu qooyay kaadida.
Marka ay cunto, waxay sidoo kale shaqaalaha amraysaa inay cunaan bariiska. Sidaas ayayna wada sameynayaan.
Falkan wuxuu ka dhacay Fujian, dalka China. Mid kamid ah shaqaalaha oo duubay muuqaalka ayaa soo dhigay baraha halkaas oo ay kusii baahday.
Markii ay guux ka dhex dhalisay bulshada, shirkadda ayaa sheegtay inay tahay dhaqan soo jirsanaa 25 sano kahor.
Hadafka ay ka leeyihiin falkan ayay ku sheegeen inuu yahay sidii ay u muujin lahaayeen heerka ay ka gaareen hufnaanta iyo nadaafadda shirkadooda.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!