crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 12 jir ku nool North Carolina ayaa dusha ka xifdiyay Qur’anka. | HimiloNetwork

12 jir ku nool North Carolina ayaa dusha ka xifdiyay Qur’anka.

MUQDISHO (HN) — Wiil Muslim 12 jir ah oo ku nool Charlotte, North Carolina ayaa dusha ka qeybay Qur’anka oo dhan isaga oo noqday qofkii labaad ee heerkaas gaara.

Moshin Siddiqui wuxuu sheegay inuu xifdinta bilaabay isaga oo shan jir ah. Waxaana ay ku qaadatay 4 sano inuu safarkaas kusoo gabagabeeyo. Waxay ahayd kaalmada hooyadiis Rukshana Patel midii u fududeysay safarkiisa.

“Way ila fariisan jirtay iyada oo iga dhageysaneysa suuradaha; waxayna ii heli jirtay waqti marwalba oo aan u baahdo,” ayuu yiri.

Imam Atif Chaudhry wuxuu hoggaamiyaha barnaamijka Xifdiz oo Moshin uu ka aflaxay. Waxaana xaruntiisa ay u adeegtaa bulsho Muslimiin ah oo gaaraysa 25,000.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!