crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Mane oo isbitaal u dhisaya Dadkiisa. | HimiloNetwork

Mane oo isbitaal u dhisaya Dadkiisa.

MUQDISHO (HN) — Laacibka Muslimka ah ee kooxda Liverpool,
Sadio Mané ayaa ku yaboohay adduun dhan $693,000 (£500,000) dhismaha Isbitaal laga dhisayo magaaladii uu kusoo koray ee Bambali, oo 400 km u jirta caasimadda Dakar ee dalka Senegal.

Horay uma lahayn isbitaal degmadiisu, sida ay laga soo xigtay CNN. Mane ayaana la kulmay madaxweynaha waddanka, Macky Sall si uu kala hadlo xaaladda mashruuca oo ka koobnaan doona qeyb dhalmada ah, qeyb daweynta ilkaha qaabilsan iyo xarun bixisa la-talin caafimaad.

Waa laacib aad looga jecel yahay kooxdiisa iyo xulkiisa qaranka Senegal. Sannadkii hore, wuxuu ku deeqay aduun dhan 30 milyan oo lacagta Senegal ah si loola tacaalo faafitaanka xanuunka Covid-19.

Sidoo kale sannadkii 2019-ka ayuu yaboohay $350,000 (£250,000) si iskuul looga dhiso Bambali.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!