HomeDunida MuslimkaFeeryahan Khabib: "Ilmahayga inay Muslim noqdaan ayaan jeclahay."

Feeryahan Khabib: “Ilmahayga inay Muslim noqdaan ayaan jeclahay.”

MUQDISHO (HN) — Feeryahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa sheegay inuu doonayo carruurtiisa inay noqdaan Muslimiin diintooda si fiican ugu dhaqma.

Isaga oo ka hadlaya madal la iskugu yimid ayuu yiri; “Waxaan doonayaa ilmahayga inay noqdaan Muslim diintiisa ku dhagan.”

“Mana ahan inay kasoo jeedaan qowmiyad Muslim ah ama waalidkooda ay yihiin, balse inay noqdaan Mu’miniin Ilaahay caabuda. Waa inay fahmaan waxa ay ka dhigan tahay Muslim in la noqdo,” ayuu sii raaciyay.

Khabib Abdulmanapovich Nurmagomedov kaliya ma ahan feeryahan Muslim ah balse wuxuu heystaa rikoor guusha ee cayaarta MMA oo uu ku guuleystay 29 jeer oo aan marna dhinaciisa dhulka la dhigin.

Waa aabbe xaasle ah oo ay u joogaan gabar iyo wiil kuna nool Jamhuuriyadda Dagestan oo 83% in ka badan ay Muslimiin yihiin.

Bishii October sannadkii 2020 ayuu isaga fariistay feeryahannimada in yar kaddib geerida aabihiis.

Waxaa lagu yaqaan diin jaceyl.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments