MUQDISHO (HN) — Bal qiyaas adiga oo kusoo kacay iyada oo wejigaada lala xiriirinayo ama loo yaqaan ‘ninka ugu xun oo aad ku aragto qadka internet-ka’. Way kugu adag tahay sax! Laakiin nin u dhashay dalka Spain waa xaqiiqo uu ku waabariistay.
Josep Maria García, waa 42 jir ku nool Catalonia dalka Spain. War kama uusan heyn sida wax u jiraan ama loogu aqoonsaday ninka ugu xun internet-ka ilaa uu subax dambe wicitaan ka helay seedigiis kaas oo u sheegay bal inuu google-ka ku qoro jumladaas. La-yaab ayayna ku noqotay markii uu wejigiisa ku arkay googlaha oo weliba lagu qoray weedha ‘ninka ugu xun internet-ka’.
Ogaal la’aanta sababta wejigiisu meel walba looga aqoonsaday ninka ugu xun, wuxuu ugu dambeyntii fahmay inay la xiriirto dhacdo hadda kahor qabsatay sannadkii 2014-ka.
Isaga oo jooga meel aroos ah ayuu saaxiibkiis ku yiri aan sawir kaa qaado si aan kaamerada wax duubideeda u qiimeeyo. In yar kaddib markii uu ka qaaday sawirkana, wuxuu u sheegay inuu qurxan yahay oo uu jeclaan lahaa inuu kamid noqo albumka getty images-ka ee lagu keydiyo sawirada. Mana uu ku diidin codsigaas oo waa ka yeelay.
Laakiin ugu dambeyntii siyaalo kala duwan oo uu ugu soo muuqday bulshadii uu gaaray ayaa ka dhigtay in wejigiisa loo aqoonsado midka ugu xun sawirada ku keydsan getty images-ka. Qaar ayaa ku tilmaamay inuu u eg yahay dilaa halka kuwa kale ay ka bixiyeen faallo ka agdhow.
You must log in to post a comment.