MUQDISHO (HN) — Nin Shiinees ah ayaa toddobaadkii ugu xumaa noloshiisa la kulmay kaddib markii la xiray shan jeer saddex maalin gudahood – isaga oo lagu qaldayo qof maxbuus ah oo aad ugu eg weji ahaan iyo jir ahaanba.
Sannadkii 2021, dambiile lagu magacaabo Zhu Xianjian ayaa maareeyey inuu ka baxsado xabsiga. Maamulka gobalka iyo tan degmadana waxay heegan ugu jireen baacsigiisa. Laakiin waxba kama soo naasa-caddaan dadaalkoodaas. Waxaana lagu qasbay inay balan-qaadaan abaalgud dhan 150,000 ilaa 700,000 oo yuan ah oo la siinayo ciddii soo sheegta goobta uu ku dhuumaalaysanayo. Tani waxay Zhu ka yeeshay bartilmaameed qaali ah maadaama adduun lacag oo intaas dhan lagu raadinayo. Sidoo kalana uu dakhliga billaha ah ee qofka Shiineeska soo gala uu gaarayo 2,000 yuan ah. Nasiib-darro waxaa loolankii loo galay soo qabashada Zhu wax badan ku waayay nin kale oo isaga aad ugu eg kaas oo la xiray shan jeer saddex maalin gudahood.
Markii boolisku isku eegay wejiyada sawirrada labada dhinac, way adkeyd dhabtii in la kala aqoonsado. Lakaiin dhibahani wuxuu target soconaya u noqday kuwa baadigoobka Zhu ku jira kuwaas oo hadiyo jeer ku qaldayay dambiilaha.
Mar dambe ayaa lagu guuleystay in si dhab ah loo soo qabto heybta Zhu Xianjian kaas oo la weysnaa muddooyin bilo ah. Dhibanihii u ekaana waxaa lagula taliyay inuu hadiyo jeer xirnaado kaarkiisa aqoonsiga.

You must log in to post a comment.