crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 02 Dec – Maalinta Caalamiga ee Cirib-tirka Addoonsiga | HimiloNetwork

02 Dec – Maalinta Caalamiga ee Cirib-tirka Addoonsiga

Muqdisho (Himilonetwork) – Waxaynu nool nahay qarniga 21aad oo mid iyo qof kasta uu xor u yahay inuu sameeyo wuxuu ka helo; u dhaqmo suu doono; u noolaado suu doorbidayo. Waxaynu ka hadalnaa xurnimo hayeeshe dhab ahaan, dhamaan dadku ma wada ahan xor. Adoonsigii waa la xabisay; wuxuuna ka noqday xaq-daro aduunka oo dhan, hase ahaatee, dadku wali waxay adoon u yihiin waxyaalo badan ogaal iyo ogaal la’aan. Mid adoonsiga ku jirta oo ah meel qofku uusan helin xurnimo ayaa dunida ku baahsan ilaa maanta. Tani ma ahan mid kale ee waa ka ganacsiga dadeed “Human Trafficking” oo dunida ka ah wax iska caadi ah.
Ka ganacsiga dadka waxaa lagu qeexi karaa dhaqaale ka sameynta Bani’aadanka, ugu badnaan ujjeeddo la xiriirta adoonsi galmood “Sexual slavery,” san-dulleyn shaqo “forced labour,” ama in lagala baxo xubnaha muhiimka u ah jirka qofka sida; beerka, minka, kilyaha i.w.m. Dad-ka-ganacsiga waxaa loo sameeyaa inay tahay meel si fudud looga sameyn karo lacago badan waqti yar gudihiis. Waa shaqo halis daran. Hayeeshe, dadka-gacanacsadayaasha waxay dhiseen xiriir adag oo dunida isugu furan taas oo ay ku adag tahay bilayska aduunka inay si fudud ula jaan-qaadaan wax-ka-ogaanshaha xiriiradooda. In dadka laga ganacsado waa fal Aadminimada ku xun. Waxay si fool xun uga hor imaanaysaa xaqa qofka Bani’aadanka ahi leeyahay.
Waxaa aad iskaga cad in dad-ka-ganacsigu aad ugu badan yahay dunida soo koreysa, kuwa saboolka ah iyo dalalka dib-u-dhacsan marka loo eego kuwa horumaray iyo kuwa tanaaday. Dalalka haysta shucuubta tirada badan ayaa gaar ahaan bar-tilmaan u ah dad-ka-ganacsiga.
Tani ayaa ah wejiga cusub ee addoonsiga casriga ah oo marka loo eego QM ku kacaya adduun dhan 32 bilyan oo doolar. Addoonsiga jira waa sandulleyn shaqo adag iyada oo aan lagu siin mushahar taas oo ay kuusii dheer tahay cabsi-gelin joogta ah oo aadan meelna uga baxsan karin.
27 milyan oo qof ayaa maanta addoonsi ku nool dunida dacalladeeda. Sidoo kale, marka loo eego ILO, in ka badan 40 milyan oo qof ayaa dhibane u ah addoonsiga casriga ah.
Addoonsigu meelna kama ahan sharci, haddana meel walba ayuu ka jiraa. Addoonsiga ugu badan waxaa laga heli karaa dalalka Hindiya iyo qaaradda Afrika. Ku dhawaad 14,500 oo addoomo ayaa Maraykanka oo kaliya lasoo geliyaa sanad kasta iyada oo ka howl-gala xerooyinka, goobaha lagu dhilleysto, guryaha, goobaha macdanta laga qodo, maqaayadaha iyo meelo kale.
90$ ayaa lagu qiyaasay qiimaha addoonka maanta nool uu ku kici karo lacag ahaan. Dadka addoonsiga ku lugta leh waxay adeegsadaan habab dadban ama dahsoon si ay uga dheeraadaan ereyga addoonsi. Laakiin waa ficillada muuqda midda laga fahmi inuusan ka dheereyn addoonsi waxa ay sameynayaan.
Waa suura-gal in addoonsiga lagu dhameeyo muddo 25 sano ah. Qof kastana wuxuu leeyahay kaalin uu ka ciyaaro sida; dowladda, ganacsatada, hey’adaha caalamiga iyo adiga aqrinaya intaba.
Si kastaba, 02 bisha Dec sanad kasta waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ee Cirib-tirka ama laalista Addoonsiga six al loogu helo mushkiladdan insaaniga ah. Maanta oo kale waxaa dunida loogu yeeraa inay cod midaysan iyo wax-qabad muuqda kala hortagaan addoonsi nuucyadiisa kala duwan. Taariikh ahaan, waxaa dib loogu celiyaa Maalintan 2 Dec sanadkii 1949-kii.
Diiradda Maalintan waa in la cirib-tiraa nuuc walba oo kamid ah addoonsiga sida dad-ka-ganacsiga, dhaca xaga galmada, ku shaqeysiga carruurta, guurka-qasabka ah iyo in carruurta loo adeegsado askaraynta iyo goobaha dagaallada.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!