crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xeebta Biyaha Kulul | HimiloNetwork

Xeebta Biyaha Kulul

New Zealand (Himilonews) – Wali ma suuraysatay xeeb biyaheedu kulul yihiin? Taasi waxaad ugu tagaysaa dalka New Zealand. Iyada oo dhacda xeebta bari ee gacanka Coromandel – 175 km ka fog Auckland, Hot Water Beach waxay magacan ku heshay duleellada hoose ee ku xiga carrada xeebta oo ay kasoo burqadaan biyo kulul. 
Xeebtani waxay soo jiidataa indhaha dal-xiisayaal lagu qiyaaso 130,000 oo qof. Waana mid kamid ah goobaha ugu shacbiyadda badan ee looga dalxiis tago gobalka.
Biyuhu waxay ku joogaan heerkul dhan 64C oo u dhigma 147F. Waxa xiisaha leh ayaa ah in dalxiisayaashu ay gacantoodu ku qodaan ilaha ka hooseeya carada oo ay kasoo burqadaan biyahan kulul.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!